Dawlada Sucuudiga Oo Martiqaad Rasmi Ah U Fidisay Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sucuudiga Oo Martiqaad Rasmi Ah U Fidisay Somaliland
June 12, 2017 - Written by Reporter:

Riyadh,(Wajaalenews)- Warar rasmi ah  ayaa xaqiijinaaya in dawlada Sucuudigu ay marti qaad rasmi ah u fidisay xukumadda Somaliland, waxna lagu wadaa in wafti ka socda Somaliland ay si dhakhso ah u booqdaan dalkaasi oo ay xidhiidh qoto dheeri uu ka dhaxeeyo Somaliland, ilaa hada ma cada maalinta rasmiga ah ee ay waftiga Somaliland u bixi doonaan dalka Sucuudiga lakiin ayaamahii ina soo dhaafayba xidhiidhka iyo caashaqa Somaliland iyo Sucuudigu waxa uu maraayay meel sare.

Waxana uu xidhiidhku sii xoogaytay markii doraad ay xukumadda Somaliland ay si toos ah isu garab istaagtay xulafada uu dalka Sucuudigu uu hogaaminaayo ee dalka Qatar xayiraada saaray isla markaasina xidhiidhka u jaray, xukumadda Somaliland ayaa dalka Qatar u jartay xidhiidhka isla markaasina ka mamnuucday hawadeeda iyo badeeda in ay sina u adeegsadaan.

Dhanka kalena waxa lagu wadaa in maalinta bari ah uu madaxweyne Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayaa ay u socdaalaan dalka Imaaraadka Carabta lamana garnaayo ilaa hada in waftigaasi ay u sii gudbi doonaan dalka Sucuudiga iyo in kale, waxna jira warar sheegaaya in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolihii noolaa ee uga dhoofi jiray dekada Magalada Berbera, taasi oo ay wararku ku darayaan in hada lagu bilaabi doono dhoofinta xoolo cayiman hase ahaatee marka waftiga Somaliland ay tagaan dalkaasi Sucuudiga lagu wado in si toos xoolaha ka taga magaalada Berbera looga qaado xayiraada arintaasi oo ah mid miiska u saaran dawlada Sucuudiga waxana sidoo kale la filayaa in mashaariic badan oo horumarineed ay dawlada Sucuudigu ka hir galin doonto Somaliland sanadada soo socda

COMMENTS
LINKS