DAAWO ; Urur Ay ku Bohoobeen Dhalinyarada Magaalada Tog Wajaale Ee TAAKULO Oo Olole Dadka Lagaga Wacyigaliyo Sidii Loo Xamayn lahaa Xanuunka Shuban Biyoodka ka Bilaabay Gudaha Magaalada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Urur Ay ku Bohoobeen Dhalinyarada Magaalada Tog Wajaale Ee TAAKULO Oo Olole Dadka Lagaga Wacyigaliyo Sidii Loo Xamayn lahaa Xanuunka Shuban Biyoodka ka Bilaabay Gudaha Magaalada.
June 17, 2017 - Written by Editor:

TOGWAJAALE (W,N) Ururka Taakulo oo ay ku Bahoobeen Dhalinyarada Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale  ayaa maanta wacyigalin Balaadhan oo dadka lagaga  Wacyigalinayo sidii loo xamayn lahaa xanuunka shuban biyoodka ka Bilaabay gudaha magaalada Tog Wajaale  ,

taakulo wajaale 2

Ururkan oo ah urur Dhalinyaro ah oo iskood isku abaabulay ayaa wacyi galintooda ka bilaabay gudaha magaalada wajaale iyo xarumaha caafimaadka ee magaalada .

taakulo wajaale 1

Wacyigalintan Ururka taakulo ayaa waxaa munaasibadan kala Soo qaybgalay gudoomiyekuxigeenka degmada togwajaale iyo xoghayaha  degmada togwajaale  Mr Samaale

taalulo wajaale 3

Ugu horayn waxaa ololahan wacyigalinta ah ka hadlay afhayeenka ururka taakulo Maxamed Xuseen Nuur, :waxaa ololahan nagu kalifay waa sidii aanu uga hortagi lahayn afaada xanuunka shuban biyoodka oo aynu ogahay sidii uu u waxyeeleeyay goboladii dalka ee uu kusoo horeeyay xanuunkani waxaanan u dadaali doonaa sidii aynu uga badbaadin lahayd shacabkeena, ayuu yidhi,

maxamed soobe 1

Waxaa sidoo kale wacyigalintan ka hadlay xubno kale oo kamida ururka taakulo.

Dhanka kale waxaa isna ururka taakulo hawshan ay isku xil saareen ee ololaha caafimaadka ah uga mahad celiyay xogahayaha  degmada Mr Samaale oo isagu sharaxaad ka bixiyay sida ay u halwgalidoonaan  kuna amaanay sida xilkasnimada leh ee ay isku soo abaabuleen ururkan taakulo .

taakulo wajaale 4

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA URURKA TAAKULO IYO MASUULIYIINTA KALE .

 

 

COMMENTS
LINKS