“Guulihii Aynu Gaadhnay, Dastuurkoo la Gujaa, Gamta Yaaney u Joogsan!! Rugcadaa Axmed Yuusuf Ducaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Guulihii Aynu Gaadhnay, Dastuurkoo la Gujaa, Gamta Yaaney u Joogsan!! Rugcadaa Axmed Yuusuf Ducaale
June 21, 2017 - Written by Editor:

Erey meesha ku jira.

Mahadi Eebeheen bay u sugnaatee, 26-kii sano ee u dambeeyey Jamhuuriyada S/Land guulo badan ayaa usoo hoyday . Inagoo Eebeheen u mahad naqayna, guulahaa in aynu ilaashanaa waa waajib qof qof iyo xukuumadba inna saaran .

Anoo soo koobaya guulahaa waxaa ka kow ah iyada oo ay bulshada J.S.Land guud ahaan nabad kuwada noolayd, meeshay shaqaaqo ka dhacdana dowlad iyo dadba loo gurmanayey si shaqaaqadaa loo damiyo. Taa waxaa raacisaa shirarkii loo dhamaa ee lagu dhisay Jamhuuriyadan S/Land ee  manta 26 jirsatey . Kadib qaab beeleedkii aynu Jamhuuriyada S/Land ku aas aasnay waxa ay ka fursan weydey si aynu dowlad casri ah aynu u dhisno , in aynu dejino Dastuur, kaas oo lagu ansaaxiyey  afti dadweynuhu qof qof ugu codeeyey .May 201 .

Waxa  xigtay iyadoo dhidibada loo sii aasayo  dhaqankaa Dimiqraadiga ah, in aynu galay sida dastuurku tilmaamayo marxalaadii xisbiyada  tirade badan”; taasaynu ku galay inaga oo 3dex xisbi ah doorashadii Dowladaha Hoose 2002, tii Madaxweynaha  2003 tii golaha wakiilada 2005, marlabaad tii Madaxweynaha 210, Dowladaha Hoose iyo tii Madaxweynaha mar 3aad taas oo aynu fileyno in ay dhacdo  November 2017 .

AXMED YUSU DUCAALE

Waayo aragnimadaa   geedi socodkaa dimuqraadi ku dhaqanka ah iyo dastuur aaminka in aynu sii kobcino oo aynu ku fara adeygno mooyaane ima muuqato in ay manta timaado dood iyo waxtabasho inoo baahisa dastuurka oo aynu furro ama farafareyno .

Hordhacaa dheer waxaan uga goleeyahay marka aynu manta ku heshiino aynu saami qeybsi ku wadaagno fulinta xeer deginta ,garsoorka iyo  hayadaha  Dowliga ah macnaheedu miyaanu ahayn inaga oo qabaa il ah aynu qeydhiinka ku qeybsano dhugta oo dhuuxa 4.5 waxa ay Federalka iyo Koonfur ku hayso marka ay saami qeybsi timaado golaha wakiilada dadkaa latirin gobol walba tiradiisu inta ay u goyso ayuu golaha wakiilad ka heli . Golaha Guurtida xeerka lagu dhisayo ha loo dhamaado . Golaha Wasiirada Gobol waliba waa inoo ka muuqdaa waa inuu si uu isu dheelitiro uga muuqda. Dowlad casri ah  oo aduunka la socota  haddii aynu doonayno( reer hebel iyo reer hebel ) Hoos haloo dhigo dastuurkaas oo manta lafuraa waa S/Land reer hebel iyo reer hebel haloo kala caro taasna qofna ma dhaqayso Dastuurkii yaan lafurin kaasa isku keen hayee. Lasoco. marka aynu manta ku heshiino

By:   Ahmed Yuusuf  Ducaale

 

asabeyse@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS