Liverpool Oo Ku Dhawaaqday In Ay Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxeexa Xidigii Mohamed Salah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Liverpool Oo Ku Dhawaaqday In Ay Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxeexa Xidigii Mohamed Salah.
June 22, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxeexa xidigii kooxda AS Roma iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah. Kadib markii uu maanta uga gudbay tijaabada caafimaadka Liverpool oo uu ku maray xarunta tababarka ee Melwood ayuu Mohamed Salah ugu danbayn qalinka ku duugay heshiiska maalmaha badan la sugayay in ay Reds ku dhawaaqdo.

Mohamed Salah ayaa June 21 ka soo duulay dalkiisa wuxuuna soo gaadhay England ka hor inta aanu marin tijaabada caafimaadka Liverpool oo uu ugu soo biiray heshiis rekoodhka suuqa kala iibsiga ee Liverpool ku cusub. Kooxaha Liverpool iyo AS Roma ayaa ugu danbayn dhamaystiray wada xaajoodyo adag oo wakhti dheer u socday.

Liverpool ayaa Mohamed Salah kula soo wareegtay lacagtii abid ugu qaalisanayd ee ay ciyaartoy ka soo bixisay waxayna AS Roma kula heshiisay 39 milyan oo gini iyada oo marka hore bixin doonta 33.5 milyan gini balse waxaa jira 5.5 milyan gini oo dheeraad ah kuwaas oo ku xidhan qaab ciyaareedka uu Anfield kala soo muuqdo.

Mohamed Salah ayaa jabiyay rekoodhkii suuqa kala iibsiga ee Liverpool oo uu haystay xidiga ree England ee Andy Carroll  kaas oo heshiis fashilmay Reds ugu soo biiray sanadkii 2011 kii markaas oo ay 35 milyan oo gini ka gala soo wareegtay kooxda Newcastle United.

Qoraalka Liverpool ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay dhaamystirtay saxeexa Mohamed Salah oo ay kala soo wareegtay AS Roma. 25 sano jirkani waxa uu khamiistii kooxda u saxeexay heshiis wakhti dheer ah  kadib markii uu dhamaystirtay tijaabada caafimaadka, waxa uu ciyaartoy rasmi ah noqon doonaa July 1,2017”.

Mohamed Salah oo dareennkiisa ka hadlay ayaa yidhi: “Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo, aad ayaan u faraxsanahay. Waxaan bixin doonaa boqolkiiba boqol wax kastaba kooxda ayaan siin doonaa. Xaqiiqdii waxaan doonaa in aan kooxda wax kula guulaysto”.

Mohamed Salah ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaanu haysanaa koox fiican iyo ciyaartoy aad u fiican, sanadkii hore ayaan kulamada daawanayay, qof kastaaba waxa uu bixinayay boqolkiiba boqol si wax loogu guulaysto. Qof kastaaba waxa uu arkayay tababaraha oo wax kastaba bixinaya, waxaan anigu rajaynayaa in si wada jir ah aan wax kasta u bixin doono si aan kooxda wax ugu guulaysano, taageerayaasha iyo nafteena”.

25 jirkan reer Masar ayaa Liverpool u saxeexay qandaraas shan sanadood ah wuxuuna todobaadkii qaadan doonaa  £90,000 kun oo gini waana ku dhawaad laba jibaarka lacagtii uu AS Roma ka qaadanayay. Mohamed Salah ayaa saddex sano ka hor ka leexday albaaba Anfield wuxuuna 11 milyan oo gini ugu biiray Chelsea inkasta oo uu ku soo fashilmay.

Livierpool oo markaas iska diiday in ay 11 milyan oo gini kula soo wareegto Mohamed Salah iyaga oo waliba 10 milyan kaga dalbatay kooxda FC Basel balse markan saddex sano kadib ayay Reds rekoodhka suuqa kooxdeeda u jabisay xidiga reer Masar si ay uga hawl gasho qorshaha uu Jurgen Klopp doonayay in uu xidigan kooxdiisa ku soo daro.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ka mid ahaa afar xidig oo kaliya oo shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn min laba tiro ka sameeyay gool dhalinta iyo gool caawinta wuxuuna kala mid ahaa Luis Suarez, Neymar JR iyo Alexis Sanchez oo gool caawinta iyo gool dhalinta mid kastaba ka gaadhay 10 iyo wax ka badan.

Mohamed Salah ayaa Roma u soo dhaliyay 19 gool io waliba 12 gool caawineed ee kulamadii tartamada oo dhan ahaa ee xili ciyaareedkii dhamaaday wuxuuna ka mid ahaa xidigaha ugu muhiimsanaa kooxda caasimada Talyaaniga ee Rome ka dhisan balse markan waxa uu si rasmi ah u noqon doonaa xidig Liverpool ah.

 

.DC8zdTOXkAAJ3_W DC8zdTZXYAAtBmI DC82D8xXUAAGBbZ DC829TDXcAEbgPq

COMMENTS
LINKS