Qiso Ku Saabsan Xaqa Waalidka W/Q Mustafe Axmed Maxmed Geedi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso Ku Saabsan Xaqa Waalidka W/Q Mustafe Axmed Maxmed Geedi
June 23, 2017 - Written by Reporter:

QISO KUSAABSAN XAQA WAALIDKA

Wuu Salaad, Soon iyo sadaqo badnaa laakiin ma awoodin inuu ku dhawaaqo shahaadada!!

Waxaa la sheegaa samankii Rasuulka Salla-laahu Calayhi Wasallam inuu jirey wiil dhalin yaro ah oo la dhaho Calqamah, Wuxuu ahaa mid aad ugu dadaala daacada ilaahey, Salaadda, Soonka iyo Sadaqada, Wuu jiradey waxaa aad u adkaatay jiradiisa, Xaaskiisa ayaa waxeey u tagtey Rasuulka Salla-laahu Calayhi Wassalam waxeeyna ku tiri rasuulkii alloow:- “Ninkeyga Calmaqah wuu harjadayaa, waxaan dooney inaan ku ogaysiiyo Rasuulkii Ilaahayoow Xaalkiisa”.

Wuxuu u direy Nabigu Salla-laahu Caleyhi Wassallam:- Cammaar, Suhayb iyo Bilaal wuxuu yiri:- u taga oo shahaadada u qabta, weey aadeen, gurigeeyna ugu galeen, waxeey arkeen asaga oo harjadaya oo ay naftu dhibeyso, waxeey u meeriyeen Laa-Ilaaha Illa-Laahu, carabkiisu ma awoodin inuu dhaho, waxeey u cid-direen Rasuulka Sallalaahu Calayhi Wasallam, iyagoo u sheegaya inuusan carabkiisu karin Shahaadada, Wuxuu yiri Nabigu Sallaahu Calayhi Wasallam:- “labadiisa waalid mid ma nool yahay?”.

Waxeey dhahen:- Rasuulkii Alloow, Hooyo Da’ ah, wuu u cid diray Rasuulku Salla-laahu Caleyhi wasallam waxa uu yiri:- Ku dhaha hadaad u tagi kartid rasuulka Salla-laahu Caleyhi Wasallam baa kuu baahan hadii kale gurigaga joog ilaa uu kuu yimaado, wuu u tagey wuuna u sheegay khabarkii rasuulka Salla-laahu caleyhi wasalllam, waxeeyna tiri:- “Nafteyda Naftiisa waan ku furanayaa, anigaa mudan inaan u tago rasuulka Salla-laahu Caleyhi wasallam…

Weey cuskatey oo waxeey ku istaagtey ul, waxeey u timid Rasuulka Salla-laahu Caleyhi Wassalam, weey salaantey, wuu ka raddiyey Allaha ka raali noqdee waxaa uu ku yiri:- hooyadii Calqamah Run ii sheeg hadaad been ii sheegtid waxyi ba Alle xagiisa ka imaane:- “See ahaan jirey xaalka wiilkaaga Calqamah?”.

Waxay ku tiri: “Rasuulki Ilaahayow wuu Salaad badnaa soon badnaa sadaqo badnaa, waxa uu ku yiri Rasuulku Salla-laahu Caleyhi WaSallam:- “Xalkaagu waa see adiga?”
waxeey tiri:- “Rasulkii Alloow waan ka caraysnahey asaga:- “Waxaa uu yiri Rasuulka Salla-laahu Caleyhi Wassalam, “Sabab?” waxeeyna tiri:- ” Xaaskiisa buu dhankeeda u badnaa, wuuna i Casin jirey” waxaa uu yiri Rasulku Salla-laahu caleyhi wasallam:- Carada hooyada Calqamah ayaa ka dabooshey carabkiisa Ashahaadada kadib waxaa uu yiri:- “Bilal soco oo ii keen xaabo badan”, waxeey tiri: “Rasuulkii Ilaahayow maxaad ku samaynaysaa?”.
Wuxuu yiri Rasuulku Salla-laahu Caleyhi Wassalam:- “Hortaada ayaan ku gubayaa”.

waxeey dhahdey:- “Rasuulkii Alloow Qalbigeyga ma awoodo in aad wiilkayga dab ku gubto aniga hortayda”.

Wuxu yiri Rasuulku Salla-laahu Caleyhi Wassalam:- ” Hooyadii Calqamaay “Cadaabta Alle ayaa ka daran” hadaad rabtid inuu Ilaahey ka raalli noqdo, adigu raali ka noqo, Ilaaheyga nafteyda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxba tari meeyso salaadiisa, soonkiisa iyo sadaqadiisa hadii aad ka caraysan tahay, Waxeey tiri umu calqamah:- “Rasuulkii Alloow waxaa marag ka ahey Ilaahay sareeye, malaa’igtisa, iyo muslimiinta waxa jooga halkaan inaan raali ka ahey wiilkayga Calqamah”.

Wuxuu yiri Rasuulka Salla-laahu Caleyhi Wassalam:- u tag Bilaal oo soo fiiri inuu awoodo Shahaadada iyo in kale? waxaa suurto gal ah ineey hooyadaa Calqamah ku hadashey qalbigeeda waxaan jirin oo ay iga xishootay aniga, wuu u tagey Bilaal wuxuu maqley Calqamah oo leh LAA ILAAHA ILA LAAH, Bilaal ba soo galey wuxuu yiri:- “Carada hooyadiis ay ka carootay ayaa carabkiisa u diidey inuu ashahaato, Raali markeey ka noqoteyna waa kaas Dhahey, kadib wuu dhintey isla maalinkii waxaa yimid nabiga salla-lahu caleyhi wasallam wuxuu amrey in la qasilo (Dhaqo) oo la kafno, kadib wuu ku tukadey wuuna tagey aaskiisa, kadib buu yiri:- Qabrigiisa agtiisa
asago taagan ( Muhaajiriin iyo Ansaareey qofkii ka fadila xaaskiisa hooyadiis waxaa korkiisa ahaatey nacallada Ilaahey iyo tan Mala’igta iyo tan dadka dhamman, Ilaahey ka aqbali mayo wax yar oo wanaag ah ilaa uu u towbad keeno Alle kor ahaaye, uu u sama-falo Hooyadiis, uu dalbo raali ahaanshaheeda, Ilaahey raali ahaanshihiisa waa ineey raali kaa tahey Caradisana waa caradeeda.

INAA LILAAHI WAA INAA ILEEYHI RAAJICUUN WALAALAYAAAL WAALIDKU WAA KAN KALIYA EE XAAQA NAGU LEH XAQIISA MARKAAN GUDANO AAN U DHAQAAQNO WIXII KALE OO NAFTEENU DAMACSAN TAHEY WALAAALAYAAL……

 

 

qoraa mustafe axmed geedi

 

 

mustafea179@gmail.com

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS