Daaweynta Fuuqcelinta Afka (Oral Rehydration Therapy) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daaweynta Fuuqcelinta Afka (Oral Rehydration Therapy)
June 23, 2017 - Written by Reporter:

 

Haddii Xaalada Ilmuhu Degeneyn, indhuhu ay goteen Fuuqbax darteed , oo uu biyaha u cabayo markasta , markeynu Maqaarka Caloosha taabanana aad yar dib u noqonayo , Haddii Calaamadahaas Haddii ilmaha yar ee shubmey uu yahay mid soo jeeda, oo aanu laamadoodsaneyn,  indhihiisuna aaney godaneyn(Fuuqbax ka muuqan), Cabitaankana si wacan uu u cabayo , uuna haraadaneyn, Markaad Maqaarka Calooshiisa aad taabatana uu degdeg dib ugu noqonayo , Waxaan goaan ku gaadheynaa in aanu ilmahaasi lahayn Calaamadaha Fuuqbaxa , Waxaanan ku daweyneynaa Qorshaha fuuqcelinta koowaad ee  looyaqaan Qorshaha A. Haddii Xaalada Ilmuhu Degeneyn, indhuhu ay goteen Fuuqbax darteed , oo uu biyaha u cabayo markasta , markeynu Maqaarka Caloosha taabanana aad yar dib u noqonayo , Haddii Calaamadahaas Laba ama wax ka badan uu yeesho , waxaan goaan ku gaadheynaa inuu ilmaas hayo Fuuqbax yari .waxaynu
 
ku daawaneynaa Qorshaha Daaweynta Fuuq celinta ee B.

Labadaas Qorshe ee sareba Waxa Ilmaha la siiyaa Daaweynta Fuuqcelinta Afka (Oral Re hydration Therapy ).

 

Qorshaha Daaweynta A
————————————

waxa Shubankan lagu daaweeyaa Guriga , iyadoo Hooyada la barayo Sida looga:

 

  1. Hortago fuuqbaha iyadoo Guriga la joogo ,Iyadoo Ilmaha la siinayo Cabitaan ka badan awal intuu isticmaali jirey
  2. Hortago Nafaqo Darada adigoo joogteynaya Quudinta Ilmaha
  3.  in la baro Calaamadaha Sheegaya marka Ilmaha loo geynayo Hawlwadeenada Caafimaadka.

Sharciga Koowaad wuxuu odhanayaa sii Ilmaha Cabitaan ka badan kaad Awal siin jirtey.

  1. a)    waxa jira Cabitaano had iyo jeer la dhiirigeliyo , kuwaas la dhiirgeliyana waxa kamida Daaweynta Fuuqcelinta Afka , iyo Cabitaanada Milixda leh ( Biyaha Bariiska milixeysan(fuudka bariiska),Caano Fadhi milixeysan(Salted yogurt),Khudrada , iyo Maraqa Digaaga oo milixeysan.
  2. b)     Waxaad ka dheeraneysaa oo aanad isticmaaleyn Biyaha Caadiga ah ee aan milixdu ku jirin , sida bariiska bilaa milixda iyo waxyaabaha ay kor ku soo sheegney oo wax milixa lahayn
  3. c)    Waxaad kale oo aad ka taxadireysaa Cabitaanada Khatarta ah , ee laga maarmayo xiliga shubanka Sida Cabitaanada Sonkorta leh , kuwaas oo shubanka sii siyaadinaya.
  4. d)     Waxaad isticmaaleysaa Daaweynta Fuuqcelinta Afka (ORS), Mid baadse ogaaneysaa Haddii uu ilmuhu ka yaryahay Lixbillood oo aanu gaadhin xiligii Ababinta waxaad siineysaa uun ORS keliya .iyadoo Naaska Hooyada Cabitaankiisana looga badinayo siduu markii hore uu u cabi jirey, waayo waxaynu dooneynaa in aynu gaadhno Minqiyaaska in Ilmo kasta oo dhashaa uu Cabo Naaska Hooyada oo Keliya inta uu Gaadhayo Lix Billood (Exclusive Breastfeeding).

 

 

Haddii Ilmaha yari uu ka yaryahay 24 Billood , Markasta oo ilmahaas yari uu shubmo , Waxa la siinayaa 50-100 ml oo Fuuqcelinta AFka ee Daaweysan(ORS), Waxayna noqoneysaa Xadiga ay Hooyadu Guriga ku siineysaa ilaa 500ml Maalintaas.

Haddiise Ilmuhu Dadiisu u dhexeyso Laba ilaa Toban Sanno , markasta oo ilmahaas yari uu shubmo Waxaad siineysaa 100-200ml , ugu badnaana maalintaas hooyadu waxay ilmaha guriga ku siineysaa ilaa 1000ml maalintii.

Wixii ka weyn 10 Sanno , waxaad u siineysaa sida uu u cabayo , inkasta uu cabayo waad siineysaa , Maalintaasna waxa loogu talo galay in ay hooyadu Guriga ku siiso ugu badnaan Laba Litir maalintii.

Waxaynu ku soo koobeynaa Jaantuuskan hoose Sida Fuuqcelinta loo Sameynayo markasta oo ilmuhu uu shubmo(Compensation ) iyadoo loo sii wadayo ORS tii loo qorsheeyey iyadoo loo eegayo Da’ada iyo Miisaanka Ilmaha .

 

Da’da Xadiga ORS ee la siinayo Markasta oo shubmo Xadiga ORS ee Guriga lagu Isticmaalayo
<24 Billood 50-10 Ml 500ml/Maalintii
2 – 10 Sanno 100- 200 ml 1L/Maalintii
>10 Sanno Sida uu u cabi karo 2L/Maalintii

 

Sharciga Labaad
———————————
Ilmo kasta oo shubmey waxa la siinayaa markuu shubanku Bilaabmo Kiniinka loo yaqaano Zink Sulphate .

Kaas oo yareynaya Wakhtiga ilmuhu uu shubmayo iyo Khatarta shubanka , yareynayana khatarta fuuqbuxu uu yeelan karo , Waxa kiniinkan la siiyaa 10 ilaa 14 cisho iyadoo loo eegayo Mg la siinayo Da’ada uu jiro ilmuhu, Macdantii shubanka raacdey ee jidhka ka baxdey baa lagu soo celinayaa, waxayna yareynaysaa soo noqoshada shubanka Labada ilaa Sadddexda Billood ee soo socda .

 

La soco.

 

Dr Cabdiraxim Cabdilahi Ducaale Cajab

COMMENTS
LINKS