WAJAALE NEWS
Marxaladihii Uu Soo Maray Midawgii Waqooyi Iyo Koonfur
June 26, 2017 - Written by wajaale Jirde

 

Somaliland-Soomaaliya-calanka

 

 

 

Hargaysa(W,N)-Qormadan waxaynu kaga hadlaynaa midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo in badan oo Somali ahi ogayn dhibkii loomaray midayntii labada gobol iyo marxaladihii uu soomaray toona. Laakiin ay maqleen oo kaliya waxaa midoobay Konfur iyo Waqooyi.

Waxaa kaloojira kuwa Aanba ogayn in lamidoobay.Sidaa owgeed su’aasha ubaahan in la iswaydiiyo ayaa ah.Goorma ayay midoobeen ?. Sidey umidoobeen?. Yaa mideeyey? Maxaa loolajeeday midnimada? Siduu ahaa dareenka dadku xiligaas?.

Si aan diirka uga qaadno mas,aladaan duugowday dulucda nuxurkeedana ugu qeexno bulshada Somaaliyeed oo Qabiilka,Gobolaysiga,iyo Burburku aafeeyay ayaanu qormadan diiwaankan ugu dhigay.

17 February 1960 kii waxay kuguulaysteen Xisbiyadii u oloolaynayay midowga labada gobol Xisbiyadii kajiray maxmiyaddii Somaliland Dooarshadiii barlamaankii cusbaa,Kuwaas oo kala ahaa.

Xisbigii isutagga Wadaniga oo helay 20 kursi ayna kaheleen 33 dii kursi ee balmaanka.

Xisbigii midowga Soomaliya oo helay 12 kursi.

Xisbigii jabhadda wadaniga oo helay 1 kursi

Sidaas ayuu golihii sharci dajinta ee maxmiyaddii Somaliland ay aqlabiaydiisii gacanta ugu gashay dhaqdhaqaaqyadii u oloolaynayey midowga labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi Somaliya,Ayna ula waregeen dhamaan kuraastii Barlamaanka oo dhan.

Waxay is dhaafsadeen G/Baarlmaanka Somaliland iyo Ra’iisul wasaarihii Somaaliya dhambaalo hambalyo iyo taageero ah ee midowga labada gobol.

Waxaa kamida waxyaabaha lataaban karo soo ifbaxay kuwa ugu muhiimsanaa:

In ay horumar lixada leh sameeyeen wada hadaldii googol xaadhka ahaa ee kusaabsanaa midowga labada gobol.

Waxaa dhacay 5 tii April 1960 kii dabaaldagyo damaashaadkii ay sameeyeen golihii sharci dajinta ee soomaliland halakas oo ay isugu soobaxeen dadwayne aad ufarabadan magaalooyinka Hargaysa,Burco,iyo magaalooyin kale oo badan.

Waxaa kor looqaaday calanka Somaliya Buluuga ah oo dhexda kuleh xidigta shan geeska ah ee astaanta u ah shantii Gobol ee Somaaliya,

oo dhismayaasha oo dhan dushooda laga taagay,Taas oo tusaale iyo halku dhig u ahayd rabitaanka shacabka iyo mas uuliyiintiisuba ay u hayeen midowga.

6 dii april wuxuu ansixiyey Golihii sharci dajinta ee Maxmiyaddii Somaliland Mooshinkii lagu dalbanayey xoriyadda inta lagu jiro july dhexdeeda 1960 kii iyo inay midoobaan Maxmiyadda Somaliland (gobolada Waqooyi) iyo Somaliya (gobolada konfureed).

15 kii april 1960 kii waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay wafdi kasoocda Maxmiyadda somaaliland (goblolada waqooyi) oo isugu jiray Wasiiro xubno Baarlamaan si ay Heshiis ula gaadhaan xubnaha Dowladda iyo Barlamaankii Somaaliyeed unasoowda saaraan Go’aan Midowga labada Gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaa loo soo dhaweeyay si aan kal harlahayn. Kulankan ayaa ahaa mid aad u kulul markii ay isgacan qaadeen shumisna lays kulawareegay labadii daraf oo muddo dheer kala maqnaa .

Waxaa kaqayb qaatay soo dhawaynta wafdigaas Dadwayne aad u farabadan oo aanu hore loo arag isusoobaxaan oo kale.

waxay lamid ahayd maalintii calanka 1956. iyo markii lasameeyay Barlamaankii ugu horeeyay ee Somaliya 1954 tii .

Kulaankaani wuxuu kamid ahaa dhacdooyinka waawayn ee Taariikhiga ah.

Wuxuuna kubilowday Jawi dagan walaaltinimo,isfaham,isjacayl dhab ah ayay u wada hadleen labadii gole ee sharci Djinta Koonfurta iyo Waqooyi waxayna cod buuxa ku ansixiyeen Go’aankii Taariikhiga ahaa ee midowga labada Gobol.

16 April 1960 waxay soowda saareen Baaqaan:

Jawi ay ku dheehantahay aqoonsi iyo xurmad dhamaystiran kuwaasoo uu kudoonayo shacbiga Somalaiyeed madaxbanannida iyo midaynta labada gobol oo hadda loo yaqaano Somaaliya iyo maxmiyadda Somaaliland waxay idin ogaysiinayaan labada Gole in ay ugu dhawaaqayaan si buuxda oo sharafi kujirto 1 da july 1960 ka Dowlad hal calan leh hal madaxwayne iyo hal Baarlamaan.

Go aan kaas midowga kadib 16 april 1960 ki waxaa la sameeyay Guddi labada daraf ka kooban oo sii wada wada hadalada qaabkii loo dhamaystiri lahaa qaybta ka hadhsan howlaha midowga.

Gudigaas wuxuu ka koobnaa xubnahan:

Aaden C/lla Cismaa madxwaynihii koonfurta Somaliya.

Mudane Maxamed xaaji ibraahim Cigaal Gudoomiyaha arimaha Maxmiyaddii Somaliland in ay noqdaan labada Gudoomiye oo kala matalaya labada Guddi si ay u shir-gudoomiyaan kal fadhiyadda gudiyada.

waxaa xoga hayn loo doortay in ay u noqdaan labada gudoomiye.

1-Mudane C/qaadir maxamed (soope).

2-Mudane Maxamed cali faarax.

Sidoo kale waxaa kamid haa xubanaha gudiyada labada dhinac.

1-C/laahi ciise maaxmuud R/iisul wasaarihii xukuumaddii Somaliya.

2-Maxamed shiikh gabiyow Gudoomiyaha arimaha Dastuurka Somaliya.

3-Axmed xaaji ducaale. Wasiirka khayraad dabiiciga M/Somaliland.

4-Cali garaad jaamac Wasiirka Howlaha guud M/Somaliland.

5-Maxamuud cabdi nuur Wasiirka Howlaha guud ee Somaliya.

6-Ibraahim nuur Wasiirka arimaha Bulshada ee M/ Somaliland.

7-Maxamuud yuusuf aden (morrow) Wasiirka waxbarashad ee Somaaliya.

8-Shiikh maxmuud maxame faarax. Wasiirka garsoorka ee Somaliya.

9-Yuusuf iimaan. Maxmiyadda Somaliland. (xubin)

10-Maxamed cali faarax Maxmiyadda Somaliland . (xubin)

11-C/laahi maxmuud Maxmiyadda Somaliland. (xubin)

12-Muuse rooble. Maxmiyadda Somliland. (xubin)

13-Xaaji bashii ismaaciil G/xigeenkii barlamanka Somaliya.

14-C/qaadir maxmed Aaden G/xigeenkii barlamanka Somaliya.

15-C/laahi xaaji mursal G/gudiga ergada barlamaanka ee Somaliya.

16-Shiikh maxmed isxaaq salad G/xigeenkii xisbigii SYL ee Somaliya.

Gudigani wada hadalo dheeraada kadib waxay si wadajira u soo wada saareen war murtiteedkan:

Shirkii gaarka aha ee looga wada hadlayay midaynta Gobolada Waqooyi iyo Koonfur kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Taariikhdu markii ay ahayd 16-22 April 1960 kii ayna kawada qayb galeen labada Guddi Barlaaman ee kal matalayey labada jaanib, wuxuu Howlihii kusoo gabagabeeyey in Talaabada kowaad oo laqaadayaa ay noqoto aas aasidda Somaliwayn,iyo in shacabka Somaaliyeed loo xaqiijiyo nabad kuwada noolaansho.

Wuxuuna gabagabadii ku heshiiyeen Qodobada soo socda:

1-iyadoo la gaduulayo cod uqaadidii labada Gole ee Somaliya iyo Somaliland,waxaaa waajib ah midaynta labada Gobol 1da July 1960 ka. Arinta ku saabsan nooca ay Dowladda Somaliyeed ee cusubi noqonaysaana uu yahay mid Diimoqraadi ah.

2-Somaliya dhamaan iyo golaha maxmiyadda Somaliland waxay noqonayaan midow qaran 1da July 1960 ka.

3-Xisbiyada hadda xukuma maamulada kajira labada Gobol waxay soo wada dhisayaan Xukuumad midnimo Qaran.

4- Muqdisho waxay noqonaysaa Caasimadda jamhuuriyadda somaliya,fadhiga Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadaba.

5-labada Gobol ee hoosyimaada Maamulka Maxmiyada Somaliland iyo lixda Gobol ee Hoosyimaada Maamulka Somaliya waxay noqonayaan sideeda gobol oo ay ka koobanyihiin gobolada Dalka Somaliya maamul ahaan.

6-Waxaa socda Baadhitaan iyo Daraasad lagu hayo in labaa bi’iyo ama la mideeyo hay’adaha qaarkood maamul ahaan ama lays hoos geeyo sida qaybo kamid ah maamulka,Maaliyadda,iyo Garsoorka kuwaas oo hadda ka kala shaqeeya labada Gobol.

7-jamhuuriyadda Somaliya waxay cadaynaysaa baahidda ay u qabto khubaro

iyo farsamo yaqaano shisheeye ,Sidaa awgeed waxay Dowladda somaliyeed ka dalban doontaa Qaramada Midoobay in ay u soo diraan khubaro ka caawisa sidi loo dadajin lahaa socodsiinta ama mel marinta midowga labada Gobol.

8-waxaa la samayndoonaa ciidan wadani ah oo uu kamid noqon doono Urur katirsan Ciidamada Maxmiyadda somaliland kaas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in ay aas aas u noqodaan samaynta milatari Somaliyeed.

9- waxaa kaloo lagu heshiiyay in koox goob joogayaal ahi ay u raacaan London wafdiga Somaliland si ay u gala qayqaataaan wadahadalada ay la galayaan wasaaradda mustacmaradaha ee Engriiska.

Ku dhawaaqidda si wadajira baaqaan Tilmaamaya midowga labada Gobol wa

derabad india

Oraahda midow waa: Isutag,Umad, Gobolo, Qowmiyado, Qaarado, Shirkado,iwm.Si ay u midoobaan unayeeshaan magac iyo hogan qura halkii ka lahaayeen magacyo kaladuwan. Waxaa lagala kulmaa inta badan dhibaatooyin farabadan.Dadka howshaas qabanayana waxaa aalaaba kahoryimaada caqabado ay mararka qaar ay kumutaystaan dil iwm.

Hadaba Qormadaan aan kaga hadlayo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa igu dhaliyay in aan dadbadanoo Somali ahi ogayn dhibkii loomary midayntii labada gobol iyo marxaladihii uu soomaray toona. Laakiin ay maqleen oo kaliya waxaa midoobay Konfur iyo Waqooyi. Waxaa kaloojira kuwa Aanba ogayn in lamidoobay.Sidaa owgeed su’aasha ubaahan in la iswaydiiyo ayaa ah.Goorma ayay midoobeen ?. Sidey umidoobeen?. Yaa mideeyey? Maxaa loolajeeday midnimada? Siduu ahaa dareenka dadku xiligaas?.

Si aan diirka uga qaado mas,aladaan duugowday dulucda nuxurkeedana ugu qeexno bulshada Somaaliyeed oo Qabiilka,Gobolaysiga,iyo Burburku aafeeyay ayaan qormadaydan diiwaankan ugu dhigay.

17 February 1960 kii waxay kuguulaysteen Xisbiyadii u oloolaynayay midowga labada gobol Xisbiyadii kajiray maxmiyaddii Somaliland Dooarshadiii barlamaankii cusbaa,Kuwaas oo kala ahaa.

Xisbigii isutagga Wadaniga oo helay 20 kursi ayna kaheleen 33 dii kursi ee balmaanka.

Xisbigii midowga Soomaliya oo helay 12 kursi.

Xisbigii jabhadda wadaniga oo helay 1 kursi

Sidaas ayuu golihii sharci dajinta ee maxmiyaddii Somaliland ay aqlabiaydiisii gacanta ugu gashay dhaqdhaqaaqyadii u oloolaynayey midowga labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi Somaliya,Ayna ula waregeen dhamaan kuraastii Barlamaanka oo dhan.

Waxay is dhaafsadeen G/Baarlmaanka Somaliland iyo Ra’iisul wasaarihii Somaaliya dhambaalo hambalyo iyo taageero ah ee midowga labada gobol.

Waxaa kamida waxyaabaha lataaban karo soo ifbaxay kuwa ugu muhiimsanaa:

In ay horumar lixada leh sameeyeen wada hadaldii googol xaarka ahaa ee kusaabsanaa midowga labada gobol.

Waxaa dhacay 5 tii April 1960 kii dabaaldagyo damaashaadkii ay sameeyeen golihii sharci dajinta ee soomaliland halakas oo ay isugu soobaxeen dadwayne aad ufarabadan magaalooyinka Hargaysa,Burco,iyo magaalooyin kale oo badan.

Waxaa kor looqaaday calanka Somaliya Buluuga ah oo dhexda kuleh xidigta shan geeska ah ee astaanta u ah shantii Gobol ee Somaaliya,

oo dhismayaasha oo dhan dushooda laga taagay,Taas oo tusaale iyo halku dhag u ahayd rabitaanka shacabka iyo mas uuliyiintiisuba ay u hayeen midowga.

6 dii april wuxuu ansixiyey Golihii sharci dajinta ee Maxmiyaddii Somaliland Mooshinkii lagudalbanayey xoriyadda inta lagu jiro juulay dhexdeeda 1960 kii iyo inay midoobaan Maxmiaydda Somaliland (gobolada Waqooyi) iyo Somaliya (gobolada konfureed).

15 kii april 1960 kii waxaa magaalada Muqdisho soogaaray wafdi kasoocda Maxmiyadda somaaliland (goblolada waqooyi) oo isugu jiray Wasiiro xubno Baarlamaan si ay Heshiis ulagaaraan xubnaha Dowladda iyo Barlamaankii Somaaliyeed unasoowda saaraan Go’aan Midowga labada Gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaa loo soo dhaweeyay si aan kal harlahayn. Kulankan ayaa ahaa mid aad ukulul markii ay isgacan qaadeen shumisna layskulawareegay labadii daraf oo muddo dheer kala maqnaa .

Waxaa kaqayb qaatatay soo dhawaynta wafdigaas Dadwayne aad ufarabadan oo aanu horay loo arag isusoobaxaan oo kale.

waxay lamid ahayd maalintii calanka 1956. iyo markii lasameeyay Barlamaankii ugu horeeyay ee Somaliya 1954 tii .

Kulaankaani wuxuu kamid ahaa dhacdooyinka waawayn ee Taariikhiga ah.

Wuxuuna kubilowday Jawi dagan walaaltinimo,isfaham,isjacayl dhab ah ayay uwada hadleen labadii gole ee sharci Djinta Koonfurta iyo Waqooyi waxayna cod buuxa ku ansixiyeen Go’aankii Taariikhiga ahaa ee midowga labada Gobol.

16 April 1960 waxay soowda saareen Baaqaan:

Jawi ay ku dheehantahay aqoonsi iyo xurmad dhamaystiran kuwaasoo uu kudoonayo shacbiga Somalaiyeed madaxbanannida iyo midaynta labada gobol oo hadda loo yaqaano Somaaliya iyo maxmiyadda Somaaliland waxay idin ogaysiinayaan labada Gole in ay ugu dhawaaqayaan sibuuxda oo sharafi kujirto 1 da july 1960 ka Dowlad hal calan leh hal madaxwayne iyo hal Baarlamaan.

Go aan kaas midowga kadib 16 abriil 1960 ki waxaa lasameeyay Guddi labada daraf kakooban oo sii wada wada hadalada qaab kii loodhamaystiri lahaa qaybta kaharsan howlaha midowga.

Gudigaas wuxuu kakoobnaa xubnahaan:

Aaden C/lla Cismaa madxwaynihii koonfurta Somaliya.

Mudane Maxamed ibraahim Cigaal Gudoomiyaha arimaha Maxmiyaddii Somaliland in ay noqdaan labada Godoomiye oo kalamatalaya labada Guddi si ay u shirgudoomiyaan kal fadhiyadda gudiyada.

waxaa xoga hayn loo doortay in ay unoqdaan labada gudoomiye.

1-Mudane C/qaadir maxamed (soope).

2-Mudane Maxamed cali faarax.

Sidoo kale waxaa kamid haa xubanaha gudiyada labada dhinac.

1-C/laahi ciise maaxmuud R/iisul wasaarihii xukuumaddii Somaliya.

2-Maxamed shiikh gabiyow Gudoomiyaha arimaha Dastuurka Somaliya.

3-Axmed xaaji ducaale. Wasiirka khayraad dabiiciga M/Somaliland.

4-Cali garaad jaamac Wasiirka Howlaha guud M/Somaliland.

5-Maxamuud cabdi nuur Wasiirka Howlaha guud ee Somaliya.

6-Ibraahim nuur Wasiirka arimaha Bulshada ee M/ Somaliland.

7-Maxamuud yuusuf aden (morrow) Wasiirka waxbarashad ee Somaaliya.

8-Shiikh maxmuud maxame faarax. Wasiirka garsoorka ee Somaliya.

9-Yuusuf iimaan. Maxmiyadda Somaliland. (xubin)

10-Maxamed cali faarax Maxmiyadda Somaliland . (xubin)

11-C/laahi maxmuud Maxmiyadda Somaliland. (xubin)

12-Muuse rooble. Maxmiyadda Somliland. (xubin)

13-Xaaji bashii ismaaciil G/xigeenkii barlamanka Somaliya.

14-C/qaadir maxmed Aaden G/xigeenkii barlamanka Somaliya.

15-C/laahi xaaji mursal G/gudiga ergada barlamaanka ee Somaliya.

16-Shiikh maxmed isxaaq salad G/xigeenkii xisbigii SYL ee Somaliya.

Gudigani wada hadalo dheeraada kadib waxay si wadajira u soowada saareen war murtiteedkan:

Shirkii gaarka aha aee looga wada hadlayay midaynta Gobolada Waqooyi iyo Koonfur kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Taariikhdu markii ay ahayd 16-22 April 1960 kii ayna kawada qayb galeen labada Guddi Barlaaman ee kal matalayey labada jaanib, wuxuu Howlihii kusoo gabagabeeyey in Talaabada kowaad oo laqaadayaa aynoqoto aas aasidda Somaliwayn,iyo in shacabkla Somaaliyeed loo xaqiijiyo nabad kuwada noolaansho.

Wuxuuna gabagabadii ku heshiiyay Qodobada soosocda:

1-iyadoo lagaduulayo cud uqaadidii labada Gole ee Somaliya iyo Somaliland,waxaaa waajib ah midaynta labada Gobol 1da July 1960 ka. Arinta kusaabsan nuuca ay Dowladda Somaliyeed ee cusubi noqonaysaana uu yahay mid Diimoqraadi ah.

2-Somaliya dhamaan iyo golaha maxmiyadda Somaliland waxay noqonayaan midow qaran 1da July 1960 ka.

3-Xisbiyada hadda xukuma maamulada kajira labada Gobol waxay soowada dhisayaan Xukuumad midnimo Qaran.

4- Muqdisho waxay noqonaysaa Caasimadda jamhuuriyadda somaliya,fadhiga Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadaba.

5-labada Gobol ee hoosyimaada Maamulka Maxmiyada Somaliland iyo lixda Gobol ee Hoosyimaada Maamulka Somaliya waxy noqonayaan sideeda gobol oo ay kakoobanyihiin gobolada Dalka Somaliya maamul ahaan.

6-Waxaa socda Baaritaan iyo Daraasad lagu hayo in labaa bi’iyo ama lamideeyo hay’adaha qaarkood maamul ahaan ama lays hoosgeeyo sida qaybo kamid ah maamulka,Maaliyadda,iyo Garsoorka kuwaas oo hadda kakala shaqeeya labada Gobol.

7-jamhuuriyadda Somaliya waxay cadaynaysaa baahidda ay u qabto khubaro

iyo farsamo yaqaano shisheeye ,Sidaa owged waxay Dowladda somaliyeed kadalbandoontaa Qaramada Midoobay in ay usoo diraan khubaro kacaawisa sidi loodadajin lahaa socodsiinta ama mel marinta midowga labada Gobol.

8-waxaa lasamayndoonaa ciidan wadani ah oo uu kamid noqondoon Urur katirsan Ciidamada Maxmiyadda somaliland kaas oo ujeedada lag leeyahay ay tahay in ay aas aas unoqodaan samaynta milatari Somaliyeed.

9- waxaa kaloo lagu heshiiyay in koox goob joogayaal ahi ay u raacaan London wafdiga Somaliland si ay ugala qayqaataaan wadahadalada ay lagalayaan wasaaradda mustacmaradaha ee Engriiska.

Ku dhawaaqidda si wadajira baaqaan Tilmaamaya midowga labada Gobol wakhti aan sidaa u sii dheerayn, ayaa wuxuu saamayn wayn ku yeeshay Shacabka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba oo muddo dheer sugayay midow iyo xoriyad dhulkooda hooyoyin sanado badan la tacaalayey sidii ay mar uun heeryada gumaysiga isaga rogi lahaayeen,Waxaa ka muuqanayay Dadka Somaliyeed farxad,rayrayn,Damaashaad waxay sameynayeen xaflado ay ugu dabaal dagayeen guushaan Taariikhiga ah ee midowga somaliya.

Waxay ku dhawaaqayeen Dadka ka khudbdaynayaa fagaarayaasha laysugu soo baxay sida:siyaasiyiinta Fanaaniinta iyo gabyaaguba,in ay gaadheen guul balse loo baahan yahay kuwa dheeraad ah,Kuwaas ah in lasoo celiyo Gobolada kale ee maqan sida: Gobolada uu farnsiiska jabuuti ,Xabashida Somaligalbeed,iyo gobolka NFD oo Engriisku siiyey Kenya si laysugu laysugu soo celiyo xidigta Calanka shanteeda geesood oo uu kala qaybiyay isticmaarku.

Waxaa bilowday howlgaladii bilowgii kacaankii shacabiga gudaha oo ay ku taageerayeen midowga iyo madaxbananida Somaaliya.

Isku soo duuboo sida ka muuqata qormadan waxaa loo soo maray xoriyadda iyo midowgaba dhib fara badan waxaa ku daatay dhiig,waxaa naftoodii ku waayay naftood hurayaal u geriyooday xoriyadda.

 

 

 

KALA LASOCO QAYBTA LABAAD SHABAKADA WAJAALENEWS.NET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews