Biyaha La Cabbo Aroorta Hore Iyo Faa’idooyinka Ku Jira, W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Biyaha La Cabbo Aroorta Hore Iyo Faa’idooyinka Ku Jira, W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame
June 26, 2017 - Written by Reporter:

Dadka reer Jabbaan waxay caan ku yihiin jidh qorqoran oo qurux badan. Inkasta oo qayb ahaan sababta lagu sheego inay tahay dhaxaltooyo haddana waxa qayb weyn ka ciyaara caadada ah inay aroorta hore cabbaan biyaha inta aanay quraacan, taasina waa ta keentay in dadka reer jabbaan aan lagu arag dad badan oo cayilsan ama aad u buurbuuran, sida ka jirta dalalka reer galbeedka ee Yurub iyo Maraykan.

Inkastoo biyuhu sidoodaba jidhka muhiim u yihiin maadaama jidhkeennu 70% biyo ka samaysanyahay, haddana kuwa arroorta hore la cabbo caloosha oo madhan waxay sii leeyihiin faa’ido gaar ah.

Inta aynnaan u galin haddaba biyaha aroorta hore la cabbo marka hore aynu dul istaagno hababka biyaha loo cabbo ee jidhka qofka caafimaadka u leh.  Cab qiyaastii 160ml oo biyo ah afar jeer isla marka aad soo toosto inta aanad cadayan calooshuna madhantahay Waxba ha cunin 45 ka daqiiqadood ee ku xiga

  • Cunto kasta 30 daqiiqadood ka hor cab biyaha, cuntada kadibna ha cabbin biyo illaa 2 saacadood ka soo wareegtoHaddii aanad 160ml cabbi Karin maalinta u horraysa calooshaada oo madhan ku bilow inaad inyar inyar u cabto, marka danbena aad halkaa soo gaadhsiiso.

Faa’iidada Ku Jirta Biyaha La Cabbo Aroorta Hore Caloosha Oo Madhan

  1. Waxay Jidhka Ka Saaraan Sunta

Markaad biyo cabto waxay dhaqaaq ku keenaan caloosha iyo inta ka hoosaysa. Habeenkii jidhku dib ayuu isku habeeyaa waxaanu soo ururiyaa dhammaan suntan jidhka ku jirta. Marka haddaba aad biyaha aroortii cabto waxay soo nadiifiyaan dhammaan suntaasi, waxaanay jidhka ka dhigaan mid saafi ah. Biyaha badan ee la cabbaa waxa kalooy kordhiyaan soo saaridda unugyada muruqyada iyo unugyo dhiig oo cusub.

 

  1. Waxay Kordhiyaan Dheefshiidka

Biyaha aroorta hore la cabbaa waxay dheef shiidka kordhin karaan 24%. Sidoo kale biyaha aroorta hore caloosha oo madhan la cabbaa waxay sifeeyaan mindhiqirka weyn, taasi oo u fududaysa inuu cuntada nafaqada si fudud uga nuugi karo.

 

  1. Waxay ka Qayb Qaataan Miisaan Dhimista

Marka aad aroorta hore caloosha oo madhan biyo cabto waxay soo maydhaan dhammaan sunt jidhka . ma dareemaysid gaajo, cunto badanna u baahan maysid taasina waxay ka hortagtaa miisaan badan oo kugu kordhi lahaa markaad cunto badan cunto

 

  1. Waxay Baabiiyaan Laab Dillaaca Iyo Aysiiidha

Caloosha oo cuntada hore u ridqi weyda waxa keena aysiidha oo caloosha ku badata. Laab-dillaaca ama laab-jeexana qofba siduu u yaqaanno waxa keena aysiidha oo caloosha ku badata. Laab-dillaacaa waxa la dareema marka aysiidhu kor ugu soo kacdo dhuunta cuntada. Marka aad biyo cabto haddaba caloosha oo madhan, aysiidhu hoos ayay u daadegtaa, waanay badhxantaa. Waxa kalooy tani caloosha u diyaarisaa quraacda.

 

  1. Waxay Qurxiyaan Maqaarka Sare

Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxay keenaan laalaab yaryar ama godad ku samaysma maqaarka oogadiisa. Waxa kaloo lagu ogaaday daraasad la sameeyay in cabbitaanka 500ml oo biyo ah caloosha oo madhan ay kordhiyaan socodka dhiigga ee maqaarka dhexdiisa, maqaarkana ka dhigaan mid dhalaalaya.

 

  1. Waxay Ka Dhigaan Timaha Qaar Dhalaalaya Sibibixna Ah

Biyaha oo jidhkaaga ku yaraadaa waxay saamayn ku yeelaan karaan koritaanka timahaaga. Biyaha badani waxay gunta ka nafaqeeyaan timahaaga . sidoo kale waxay sameeyaan ¼ miisaanka timaha. Sidaa daraaddeed biyaha oo kugu yaraadaa waxay keeni karaan in timahaagu taagtaagmaan, taa awgeed waa inaad biyo badan cabtaa. Adiga oo cabba caloosha oo madhanna waa ay ka sii xag jirtaa.

  1. Waxay Ka Hortagaan Dhagxaanta Kalyaha Iyo Caabuqa Kaadi Haysta

Biyaha oo la cabbo isla marka sidaa loo soo tooso, waxay muhiim u yihiinn, ka hortagista dhagxaanta kalyaha. Waxa kale oo xaqiiq ah in cabbitaanka biyaha caloosha oo madhan ay badhxaan aysiidhada keena ama sababa dhagxaanta kalyaha. Hadba inta aad cabto biyo aan ka badnayn heerka caafimaadka ayuu jidhkaagu iska difaaci karaa caabuqyada badan ee ku dhaca kaadi haysta.

  1. Waxay Xooojiyaan Habka Difaaca Jidhka

Biyaha la cabbo caloosha oo madhan waxay kaa caawiyaan inay dheelli tiraan habka difaaca jihdka, kaas oo marka uu xoogaysto kaa difaaci karo xanuunno badan oo aad u soo dhici lahayd

C/raxmaan C/laahi Warsame

Hargeisa Somaliland

Cbdrxmngeni@gmail.com

COMMENTS
LINKS