Xukuumada Somaliland Oo Si Balaadhan U Xustay 26 JUUN + SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Si Balaadhan U Xustay 26 JUUN + SAWIRO
June 27, 2017 - Written by Reporter:
Hargeysa(Wajaalenews):-Xukuumada Somaliland ayaa si balaadhan u xustay munaasibada 26-ka June oo ku beegan wakhtigii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ahna ku simaha madaxweynaha, gudoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaanad golayaasha guurtida iyo Wakiilada iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhaan oo lagu xusayey 26-ka June, taas oo lagu qabtay madaxtooyada Somaliland.

Guud ahaan xubnihii ka hadlay munaasibada ayaa ka waramay dedaaladii ay Somaliland u soo martay inay xoriyadeeda ka qaadato gumaystihii Ingiriiska, waxaanay sheegeen in taariikhdaasi gaar u tahay umada Somaliland.

COMMENTS
LINKS