Shirkada Google Oo Lagu Ganaaxay $2.7 Bilyan Oo Dollar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Google Oo Lagu Ganaaxay $2.7 Bilyan Oo Dollar
June 27, 2017 - Written by Reporter:

Google_2015_logo.svg

Hargaysa,(W,N)-Golaha midowga Yurub ayaa ganaax lacageed oo dhan 2.42 bilyan yuuro oo u dhiganta ($2.7bn) ku soo rogay shirkada Google ka dib markii la ogaaday in shirkada ay si xun u isticmaashay awooddeeda.

Goluhu wuxuu sheegay in adeegyada dukaamaysiga ee Google la siiyay caannimo aan dhexdhexaad ahayn marka ay timaado in aaladan wax laga dhexbaadhho.

Lacagtani ayaa ah ganaaxii ugu badnaa ee goluhu uu ku soo rogo shirkad lagu eedeeyay in ay wax isdaba marin ku samaysay suuqa.

Go’aankan ayaa sidoo kale ku amraya shirkada Google in ay ku soo afjarto muddo 90 maalmood gudahood ah ficilada ka dhanka ah tartanka haddii kale ganaaxyo dheeraad ah ayay wajihi doonto.

Shirkadan laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunka golaha midowga Yurub.

COMMENTS
LINKS