Maamulka Huteelka like Asal Somaliland Oo Si Cajiiba U Xusay Sanad Guurada 40 Aad Ee Madaxbanaaninada Jabuuti Iyo Calamada Labada Dal Oo Lagu Sharaxay Barxada Hore. SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Huteelka like Asal Somaliland Oo Si Cajiiba U Xusay Sanad Guurada 40 Aad Ee Madaxbanaaninada Jabuuti Iyo Calamada Labada Dal Oo Lagu Sharaxay Barxada Hore. SAWIRO
June 27, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Maamulka iyo masuuliyiinta, shaqalaha huteelka casriga ah ee Like Assal Ee ku Yaala caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa  saaka aroortii hore si farshaxanimo leh guud ahaan gudaha huteelka ugu xardhay calamada labada dal ee jabuuti iyo Somaliland.

sidoo kale waxa si heer sare ah loogu labisay shaqaalaha huteelka garamaan ay ku qoran yihiiin hal ku dhig muujinaya dabaal dega sanad guurada 40 aad 27/06 /2017 ee ka soo wareegtay madaxbanaanida dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti.

LAKE  ASAL

calanka jabuuti 8 calanka jabuuti 3 calanka jabuuti 6

Dhanka kale waxaa iyaga calanka dalka jabuutika agbabanayay calanka jamhuuriyada Somaliland taasi oo soo jiidatay guud shacabka reer Somaliland iyo macaamiisha Huteelkan oo jawiga saaka laga dareemayey isku soo dhawaanshaha laba shacab Ee Walaalaha ah taasi oo qayb laxaadle uu ka qaatay mulkiilaha huteelkan,

calanka jabuuti 4 calanka jabuuti 1 calanka jabuuti 5

Sidoo kale talaabadan uu  qaaday mulkiilaha huteelka like Assal ayaa noqotay mid muujisay xidhiidhka qadiimiga ah ee ka dhexeeya  shacabka labadan dal oo ah mid ku xidhiidhsan jaar ahaan, Ab iyo ehelka ay yihiin labada bulsho ee ku kala nool Somaliland iyo Jabuuti,

calanka jabuuti 7 calanka jabuuti 9

 

Si kastaba ha ahaatee talaabada uu ibo furay mulkiilaha huteelka like assal  Mr Cabdi Kiis ayaa noqonaysa arin ku dayosho mudan qayb muhiim ah ka qaadan doonta sii xoojinta xidhiidhka labadan shacab.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS