Madashii Sanadka Iyo Meherkii Maanta Ee Boqorka C/raxman Cilmi Kaahin Iyo Boqorada Hoodo C/raxmaan Khaliif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madashii Sanadka Iyo Meherkii Maanta Ee Boqorka C/raxman Cilmi Kaahin Iyo Boqorada Hoodo C/raxmaan Khaliif
June 27, 2017 - Written by Editor:

Waxay ahayd madal aad looga soo shaqeeyay oo aad u xardhan sidoo kalana kulmisay guud ahaan labeenta bulsho waynta Somaliland,waxaana isku arkay madashan lagu yagleelayay guri muslimah oo ka mid noqon doona guryaha islaamka dad kala duwan iyo wajiyo kala baaday.

Madashan ayaa waxay ahayd madal sida caamka ah ay ku kulmeen labo dhinac oo abuurayay gacal iyo xigaal iyada oo xafladan lagu maamuusayay  lamaanaha maadashan lahaa waa boqorka ama caruuska C/raxmaan Cilmi Kaahin iyo Boqorada Hoodo C/raxmaan khaliif oo maanta meherkoogu ka dhacay magaalada Hargaysa gaar ahaanHotel Maamus.

Hadaanu nahay bahda shabakada wararka ee Wajaalenews waxa aanu tahniyad meeqaamkeegu sareeyo u diranayaa boqorka iyo boqorada C/raxmaan Cilmi Kaahin Iyo Hoodo C/raxmaan Khaliif anaga oo leh noqda reerkii lagu nagaada kala helana ubad dadkooga,dalkooga iyo diintooda anfaca.12964

COMMENTS
LINKS