“Anagu Waxa Aanu Wadnaa Hoggaamiye Debacsan oo Dadka Isku Wadaaya, Laakiin Ma Wadno Nin Ad adag Oo Qalafsan.”.Hoggaamiye Xirsi!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anagu Waxa Aanu Wadnaa Hoggaamiye Debacsan oo Dadka Isku Wadaaya, Laakiin Ma Wadno Nin Ad adag Oo Qalafsan.”.Hoggaamiye Xirsi!!!
June 28, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N):-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si aada is bar-bar dhig xooggan ugu sameeyey Murashaxiinta Madaxweyne ee Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan wadaan hoggaamiye debacsan oo dadka isku wadaaya isla mar ahaantaana oggol la talinta iyo wax la toosinta ba balse waxa uu sheegay in Murashaxa dhiggiisa ah ee KULMIYE uu yahay shakhsiyad adadag oo qalafsan isla mar ahaantaana aan qaadan wixii talo iyo toosin ba loo soo jeediyo.

Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa facebook ga, ayaa waxa uu sida oo kale sheegay in hoggaamiyaha ay wadaan uu yahay shakhsi dadka u debacsan isla mar ahaantaana leh go’aan adkaan xooggan oo uu dalka kaga saari karo marxalad kasta oo uu soo wajaho isaga oo sida oo kale na carabka ku dhuftay in Murashax Cirro uu yahay Madaxweyne dhaarsan oo keliya sugaaya uun in uu la wareego Madaxtinimada dalka Somaliland.

Hoggaamiye Xirsi oo aanu soo xiganay qoraalkiisa, ayaa ugu horreyn waxa uu sharaxayaa waxa uu yahay digteytarku iyo weli ba astaamaha lagu doorto hoggaamiyaha dhabta ah isaga oo ku baaqey in qofku uu xor u yahay maalinta doorashada cidda uu dooranayo balse aan loo garba-duubnaan qabyaalad iyo dano kale oo gaara, waxaana uu qoraalkiisii u dhignaa sidan:-

“waxay ahayd xaflad bilan oo boqran oo aanu kula kulanay jaaliyada reer somaliland ee magaalda jidah. Madaxda in laga baqo maaha, sharciga ayaa laga baqaa, Digteetarada (Dictators) ayaa isticmaala in dadkoodu ka baqaan balse waxaa sax ah in Madaxda la ixtiraamo, la karaameeyo oo laga danbeeyo. Quraanku sidan ayuu u tilmaamay hogaamiyaha iyadoo lala hadlayo Nebi-Maxamed: “Naxiista Alle ayaad ugu debecsanaatay, hadaad noqon-lahayd mid Adaddag oo qalafsan waa lagaa yaaci lahaa”Qaar baa ku amaana madaxda Adadayga!!! Hogaamiyhu waa in uu dadkiisa u jilicsanyahay, waana in uu Go’aankiisa ku adagyahay. Waxaana kala gaar ah in hogaamiyuhu dadkiisa u jilicsanyahay iyo in uu go’aan jilicsanyahay. Abubakar-sidiiq ayaa ugu debecsanaa saxaabadii, Isagaana ugu go’aamo adkaa Islaamkana illaahay ku bedbaadiyay xiligii nebigu dhintay ee dhibaatada badanina muslimiinta soo wajahday. Waddani hadii aanu nahay waxaanu qaranka u wadnaa Hogaamiye dadka isku wadaaya una debecsan, dhegaysanaaya oo la tashanaaya wixii uu ku khaldamana laga qaban-karayo. Adeer nin aanad qaban karayn maxaa

u dhisi? Nin aanad taladaba la gaadhayn ama aan kula tashanayn maxaa kugu khasbaaya? Wuxu waa doorasho ee cidna kuma khasbanid. Qabyaalada ha garba-duubnaan maskaxdaadana xor u ahow oo yaan cid kale si qaldan kuu isticmaalin. Kaambaynka Waddani waa “Rajada-Shacabka” Qaar baa yidhaahda: waxaanu Wadnaa madaxweyne aan la dhaarin! Waddani wuxuu wadaa Madaxweyne dhaarsan oo hore Qaranka ugu dhaartay. waa loogu celindoonaa. (Insha allaahu Guul Waddani iyo Gobanimada dalkeena) Allahayow Sidii khayr leh, Allahow na garansii, Allow na gaadhsii.”.Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi

 

COMMENTS
LINKS