Maareeyaha Tvga Qaranka Oo Shaqadii Laga Joojiyay Kuxigeenkiisa Oo Dhabarka La Taabtey iyo Talaabooyinka Ay Shaqaaluhu Wasiir Cadaani…….. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Tvga Qaranka Oo Shaqadii Laga Joojiyay Kuxigeenkiisa Oo Dhabarka La Taabtey iyo Talaabooyinka Ay Shaqaaluhu Wasiir Cadaani……..
July 4, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Maareeyaha Talafishanka Qaranka Somaliland ee dhawaan loo magacaabay Tvga Qaranka  Khadar Maxamed Cakule ayaa gabi ahaanba laga hakiyey awoodihii Maamul ee uu ku hogaaminayay talafishanka kadib markii khilaaf culusi soo kala dhex galey isaga iyo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(cadaani),iyo qeybo badan oo kamid ah hawlwadeenada Talafishanka Qaranka oo iyaguna cadaadis iyo dheeraad kala kulmey Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Cakule.

khilaaf

Maareeye Kuxigeenka Tvga Qaranka Maxamed Xuseen Faarax ayaa maalmihii u dambeeyay sitoos ah u isticmaalayay awoodii Maareeyaha kadib markii shaqada laga joojiyay Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Maxamed Cakule oo ay isku lamaaneeyeen laba qodob oo Wasiirka Warfaafintu Cadaani uu u cuskadey shaqo joojintiisa taas,oo ay sabab u aheyd maamul xumo saamaysay shaqada Talafishanka iyo shaqaalaha iyo waliba cadaadis iyo khilaafaad laga dhex abuurey saqaalaha Tvga Qaranka kuwaas oo Wasiirku sabab uga dhigay in Maareeyaha Tvgu Khadar Cakule kula kacey Xarunta Talafishanka mudadii koobneyd ee uu hayey xilka Wasaaradaasi.

Labadii todobaad ee u dambeeyay waxa sii xoogeystey khilaafka u dhexeeya Maareeyaha Talafishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakule iyo Wasiirka Warfaafinta Cadaani iyagoo, isku aflagaadeeyay goob fagaar ah oo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku sugnaa.

wasiir cadaani

Geeta kale shaqaalaha Talafishanka Qaranka Somaliland ayaa siweyn u dareemaya Maamul xumo iyo khilaaf maamul oo ragaadiyay talaabooyinka uu ku hurumari lahaa Warbaahnta Dawllada Somaliland oo ku da, tirsatey Cadaalad daro iyo nin jeclaysi burburiyay xuquuqdii shaqaalaha iyo kala dambeynta nidaamkii aqooneed ee lagu hogaamin lahaa Tvga afka Dawlada ku hadla waxaana horaantii sanadkan shaqada iskaga tagey mid kamid ah rukunadii aasaaska u ahaa Tvgaasi Xuseen Cabdilaahi Deeqsi halka ay rag badan oo lamid ahina ka tagi kari waayeen gunada yare e laga qaato kuwaas oo iyaguna siweyn ugu dulman doorkoodii,aqooneed iyo xirfadii waayo aragnimo ee ay u lahaayeen tabinta wararka baahinta barnaamijyada iyo arimo badan oo khuseeya hawsha Tvga Qaranka.

Sikasta oo ay arimaha talafishanka Qaranku isugu cayn iyo bayd go,an yihiin waxa ay shaqaale badani hadalhayaan in Wasiir Cadaani laf ahaantiisu aanu uga sokeyn Khadar Cakule marka loo eego isabadbadalkiisa wajiyada kala duwan iyo dhacdhaciisa joogtada ah haseyeeshee, waxa siweyn loo hadalhayaa in Wasiirka Madaxtooyadaoo sabab u ahaa Magacaabisti Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Maxamed Cakule uu mudooyinkan dambe isku ilaalinayay isaga iyo Wasiir Cadaani balse aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doono khilaafkoodan circa gaadhey marka Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkaasi Madaxtooyadu dalka kusoo gurya noqdaan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFI

COMMENTS
LINKS