Cristiano Ronaldo Oo Ku Wargeliyay Real Madrid Inuu Ka Laabtay Go’aankii Uu Kaga Tagayay Spain | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cristiano Ronaldo Oo Ku Wargeliyay Real Madrid Inuu Ka Laabtay Go’aankii Uu Kaga Tagayay Spain
July 4, 2017 - Written by Reporter:

Cristiano Ronaldo ayaa la fahamsan yahay inuu ku wargeliyay Real Madrid isagoo fariin u soo mariyay la taliyayaashiisa inuu bedelay maankiisa oo uu qorsheynayo inuu sii joogo Los Blancos – laakiin go’aankiisa cusub ma ahan weli mid kama danbeys ah sida ay qortay jariirada Madrid ka soo baxda ee AS.

Ka dib duufaantii ay kicisay jariirada Portugal ka soo baxda ee A Bola bartamihii bishii Juun oo aheyd in Cristiano uu go’aan ku gaadhay inuu isaga tago Spain ka dib markii lagu eedeeyay khiyaamo cashuur ayaa fariinta uu haatan u soo gudbiyay kooxda waxa ay dib u cusbooneysiisay deganaanshihiisa Bernabeu.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa saxaafada ka hor difaacat Cristiano wareysi uu bixiyay labo isbuuc ka hor waxaana ay taasi tusmo u aheyd inay kooxda garab taagan tahay, waxaana uu haatan dib uga fiirsaday go’aankiisa.

Si kastaba, isbedelka ku yimid go’aankiisii hore ayaa sidoo kale ah mid u nugul isbedel kale waana sababta ay kooxda taxadar weyn uga muujineyso mustaqbalkiisa.

Sababta aysan madaxada Madrid weli u aaminsaneyn inay hubaal tahay inuu Cristiano Ronaldo sii joogayo kooxda ayaa ah in wax walba ay isbedeli karaan 31ka bishaan July markaasoo kabtanka Portugal uu soo istaagi doono maxkamad Madrid ku taala isagoo wax laga weydiin doono dacwadaha la xidhiidha lunsiga cashuur ee wadar ahaan gaadhaya 14.8 milyan yuro.

 

Xeer-ilaalinta Spain ayaa durbaba diyaarsaday su’aalaha ay weydiin doonaan 32 jirkaan, waxaana.

mustaqbalkiisa Real Madrid ay ku xidhnaan doonta sida ay noqoto dhageysiga dacwadiisa.

 

ronaldo

 

COMMENTS
LINKS