Madaxwaynaha jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
July 17, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 17/07/2017 magaalada Hargeysa.

gaadaweyne

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay muwaadin waayo arag ah oo muddo dheer ka tirsanaa golaha wakiilada, kana soo shaqeeyey arrimaha nabadgelyada iyo dhib u dhiska dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyadda  JSL.

COMMENTS
LINKS