Dhimashada Ka Dhalata AIDS-ka Oo Kala Badh Hoos U Dhacday Dunida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhimashada Ka Dhalata AIDS-ka Oo Kala Badh Hoos U Dhacday Dunida
July 20, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa,(W,N)-Warbixin uu soo saaray barnaamijka Qaramada Midoobay ee UNAids ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ay kala bar hoos u dhacday iyadoo 1.9 milyan ay ahayd sanadkii 2005 isla markaana ay sanadkii hore hoos ugu dhacday 1 milyan.

Waxaa la sheegay in arrintan ay sabab u tahay iyadoo in ka badan kala badh dadka cudurka qaba ay haatan helayaan daaweyn markii ugu horreysay.

Fayraska HIV lama daweyn karo – waxaa keliya qofka caawineysa daawada loo yaqaanno antiretroviral oo si joogto ah loo qaato.

Haddii aan si aad ah loola socon, wuxuu fayraska burburiyaa difaaca jidhka wuxuuna sababaa AIDS. Marka ay xaaladdan taagan tahay waxay dadku u dhintaan caabuq kale sida qaaxada.

Guud ahaan dunida, 36.7 milyan oo qof ayaa la nool fayraska HIV halka 53% oo ka mid ah ay qaataan daawada oo ka caawineysa inay noloshooda caadiga ah ku noolaadaan.

UNAids ayaa sheegtay in bariga iyo koofurta Afrika ay yihiin meelaha ugu badan ee tirada dhimashada ay hoos u dhacday, iyadoo ay sidoo kale yaraatay tirada dadka cusub ee fayraska qaadaya tan iyo sanadkii 2010kii.

COMMENTS
LINKS