Kuleylka Xagaaga iyo Hanfiga Oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La,aan Xoog Leh Oo Soo Waajahdey Magaalada Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kuleylka Xagaaga iyo Hanfiga Oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La,aan Xoog Leh Oo Soo Waajahdey Magaalada Berbera
July 20, 2017 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Magaala Xeebeedda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa,Maalmihii u dambeeyy Cimilada Xiliga Xagaaga lagu guda jiro Xaraarada kuleylku gaadhey meel adag iyadoo kuleylka sii siyaadisey Dabeysha Hanfiga ah oo maamihii i dambeeyey si isdaba jooga ah u socotey,Waxaanay marxaladani kusoo Beegantey Biyo la,aan heerkii ugu ba.anaa ah oo soo waajahay Guud ahaanba Magaalada kadib markii sida la sheegay ay Cilado Farsamo oo isku beeg ahi lasoo darseen Ceelasha Biyaha looga Soo Daayo Magaalada.

biyaha berbera

Biyo yaraantan Xoogan ee Maalmihii u Dambeeyay lasoo Darsey Magaalada Berbera ayaa kusoo beegmay Xili aaney Berberi u adkeysan karin Duruufta Biyaha maraaxilka Xagaaga adag awgeed,Waxaaney Caqabad Waji gabax ah ku noqotey Maamulkii Cusbaa ee Dhawaan la Wareegay Maamulka Biyaha kadib markii laga fara maroojiyey Maareeyihii hore iyo Maamulka D/Hoose gacan ku hayntii Biyaha Berbera oo loo Adeegsadey Awood Ciidan.

berbera

Ilaa iyo hada majiro Xal Rasmi ah oo laga gaadhey Biyo la.aanta Culus ee Soo Waajahey Xiligan Magaalada Berbera ee Xeebta ah.

 

COMMENTS
LINKS