DAAWO :Mulkiilaha Dahabshiil Oo Madal Ay Fadhiyeen Xubnaha u Sareeya Xukuumada Somaliland Ka Cadeystay Mabda,a Somali Wayn,+ Aqoonyahan fashiliyay Siro Badan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO :Mulkiilaha Dahabshiil Oo Madal Ay Fadhiyeen Xubnaha u Sareeya Xukuumada Somaliland Ka Cadeystay Mabda,a Somali Wayn,+ Aqoonyahan fashiliyay Siro Badan,
July 21, 2017 - Written by Editor:

FADEEXADA Dareenada  ka dhashay  Mulkiilaha shirkada dahab shiil oo cadaystay in aanu aamin sanayn qaranimada somaliland madal  uu fadhiyay madaxwayne ku xigeenka

 Hargaysa (Wajaalenews) mid ka mid ah ganacsatada waawayn ee Somaliland oo ah ganacsadaha mulkiya xawaalada lacagta la isku diro ee Dahabshiil ayaa meel fagaare ah oo ay xaadir ka ahaayeen xubinta labaad ee ugu saraysa dalka madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiiradu kaga dhawaaqay erayo meel ka dhac  iyo gef ku ah jiritaanka qarannimada Somaliland,isaga oo si badheedha ugu dhawaaqay in uu yahay Somaliwayn sidoo kalana waxa uu intaas ku daray in aanu dalkani ku filnayn,taas oo macneheegu yahay in uu saluugsan yahay qaranimada Somaliland.

https://youtu.be/qe47JEOZJQs

Ganacsadahan Oo xiligan gacanta ku haya ganacsiyada ugu waawayn ee dalka ayaanay xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin iyada oo sidoo kalana aanay ka hadlin axsaabta mucaaradka balse ilaa maanta fajiciso iyo yaab ku noqotay bulshada ku dhaqan Somaliland oo xiligan badidoodu la ildaran yihiin Abaaro iyo sixirbarar cirka ku shareeray maciishada Quutal Daruuriga ah inta badana loo aaneeyo ganacsatada waawayn ayaa Abaal uga dhigay Hadalo Gaf ah Oo Soomaaliwayn ah,isaga oo hantida uu ku baanayaa uu ka helay shacabka iyo qarankan maanta la hadhsanayo.

COMMENTS
LINKS