Geela Oo Kusoo Badanaya Gudaha Caasimada Hargaysa Iyo Dhibta kala Haysata Gaadiid. SAWIRRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Geela Oo Kusoo Badanaya Gudaha Caasimada Hargaysa Iyo Dhibta kala Haysata Gaadiid. SAWIRRO
July 21, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Geela ayaa marba marka ka Danbaysa kusoo badana gudaha caasimada Hargaysaa kaasi oo xiigan si caadiya loogu soo foofiyo ama u daaqsin taga malaagada gudaheeda,

 Waxaa sidoo kale geelu dhibaatooyin badan kala kulmaa faras magaalayaasha caasimada hargaysa kaasi oo ay ugu horaysa khatar gaadiidku ku hayo marka ay ka gudbayaan jidadka waawayn ee u kala goosha xaafadaha kala duwan ee  magaalada Hargaysa.

GEELA 5 GEELA 4

GEELA 8 GEELA 6

 Geelan daaqsinka u yimaad caasimada Hargaysa ayaa inta badan dhirta uu ka calfadaa tahay geedka Tiinka oo huro xun ku haya xaafadaha kala duwan ee caasimada , dhirta ubaxa ah ee lagu qurxiyo barxada hore ee guryaha iyo sidoo kale meelaha lagu daadiyo qashinka.

GEELA 3

 

Dhaqashada Geela ayaa mudooyinkii u danbeeyay dadka ku dhaqan magaaladu ama ganacsatadu xiiso badan u qabaan iyaga oo ay jiraan xiligan deegaamo xeryo waawayn looga sameeyay,waxaana jira meelo aan caasimada sidaas uga fogayn oo geela lagu dhaqo iyada oo dadka munaafacaadsadaa si toos ah ugu iib keenaan caanaha geela oo dadku imika aad u isticmaalaan cabitaankiisa waxaana sidoo kale si tartiib tartiib ah u soo badanaya dhaqashada geelaas  waxaana maalinba maalinta ka danbaysa ay iyana agagaarka wadooyinka kusoo badanayaa meelaha lagu iibiyo caahanaha geela , iyadoo ay xiligan noqdeen waxyaabaha ugu iibka badan aadna ay u iibsadaan dadwaynuhu .

GEELA 7

GEELA 2 GEELA 1

 Si kastaba ha ahaatee ka ganacsiga caanaha geela ayaa keentay in shakhsiyaadka ka gancsada caanaha geelu uu midwalba magaalada agteeda soo dajiyay geeliisii ismarkaana ay ku dadaalaan oo kaliya sidii aanay caanuhu uga habsaamin goobaha lagu iibiyo Halka dhib wayni haysato xoolahan oo iyagu awal dadka dhaqdaa u foofin jireen deeganada ku haboon daaqsinka geela Waxaa iyana xusid mudan oo arintan waxba ka qaban laamaha dawlada ee iyagu ku shaqada leh daryeelka xoolaha nool iyo sidoo kale dawlada hoose ee Hargaysa oo iyadu u xilsaaran ilaalinta bilicda caasimada ka hortaga tacadi xoolaha lagu dhaqdo gudaha caasimada ,

 

 WAJAALENEWS DESK

 HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS