Xukuumada Oo Sheegtay In La Xaliyey Shaqo Joojin Ay Sameeyeen Muruq Maalka Dekeda Berbera Iyo Nuxurka Qodobada Laysku Haystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Sheegtay In La Xaliyey Shaqo Joojin Ay Sameeyeen Muruq Maalka Dekeda Berbera Iyo Nuxurka Qodobada Laysku Haystay
July 22, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N):-Wasiirka Wasaradda Ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay shaqo joojinta shaqaalaha Dekadda Berbera ee muruq-maalka, ee cabashada ka muujiyey Shirkada DP World, oo sheegtay in aanay wax xaq ah ama mag-dhaw ah aanay siinaynin, waxayna tilmaameen in cabashadii la dhammeeyey, oo Xukuumadda Somaliland ay kafaalo qaadatay wixii dhib ah ee ku yimaada Shaqaalahan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Ganacsiga oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sababta keentay khilaafkan,sababta ay Shirkadda DP world u diiday inay bixiso xaqa ama mag-dhawga shaqaalaha wax ku noqda Shaqada Dekadda iyo waxyaabaha ay ku xaliyeen cabashada Shaqaalaha ayaa ugu horeyn Wasiirka Ganacsigu uu yidhi

“Waa dhab oo hakad baa ku yimid hawlihii shaqo ee Dekadda Berbera,kadib markii shaqaalaha muruq-maalka ee Dekaddu cabasho ka muujiyeen Shirkadda DP World,Xukuumad ahaan waxaanu kulan la yeelanay Maamulka Muruq-maalka Dekadda,cabashadooda waanu dhegaysanay,ALLE mahadiina waanu xalinay,isla xalay (habeen hore),11 habeenimaba shaqadii Dekadda dib bay u bilaabeen,wax walba oo cabashadoodu ku salaysanaydana Xukuumadda ayaa dhamaysay”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Call Shire oo aanu isna arintan wax ka weydiinay ayaa yidhi “Waxa jiray cabasho ku saabsan dadka ku dhaawacma ama ku dhinta Dekadda,cidii kafaalo qaadi lahayd, barigii hore Dekadda ayaa kafaalo qaadi jirtay oo bixin jirtay, oo arinkaas ayaan meel la dhigin, markaas arinkaas ayey shaqaaluhu ka cawdeen, markaas imika Dawladda ayaa qaadaysa xilka iyo daryeelka cida wax ku noqota, ilaa iyo inta ay iyagu is habaynayaan, ee ay caayimis galayaan, imikana Dekaddu wey shaqeeynaysaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in Shirkada DP World u kafaalo qaadan wayday masuuliyadda shaqaalaha muruq-maalka ee wax ku noqda, wuxuu ku jawaabay “Markii hore iyagu heshiiska kumay jirin, maxa yeelay iyagu shaqaale shirkadeed maaha, ee waa Shaqaale madax banaan,Dekadda Shirkad gaar ah ayaa maamusha,iyana waa Shirkad gaar ah oo ka  shaqeeysa Maraakiibta raridooda iyo dajintooda,oo iskeeda u shaqeeysata”.

 

 

COMMENTS
LINKS