Mujaahid Abiib Diirye Nuur Iyo Muuqaalka Miisaanka Awoodeed Ee Uu Ku Soo Kordhiyay Xisbiga Wadani Maalmo Kooban?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Abiib Diirye Nuur Iyo Muuqaalka Miisaanka Awoodeed Ee Uu Ku Soo Kordhiyay Xisbiga Wadani Maalmo Kooban??
July 22, 2017 - Written by Editor:

Diiwaanada Taariikhdu Waxay Ka Marag Kacayaan In Siyaasiga Saadaasha Guusha Mujaahid Abiib Diirye Nuur Xisbiguu Taageero Guushu Raaci Jirtay

Tan iyo Maalintii Siyaasi,Mujaahid Abiib Diirye Nuur si rasmiya ugu biiray Xisbiga Wadani, waxaa guud ahaan Bulshada G/Gabiley iyo Galbeedka Hargaysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo Bulshada Deegaanadaasi ku taageerayaan Siyaasiga Saadaasha Guusha , Siyaasigan oo ah Ruug-cadaa Saaxada Siyaasada ku soo jiray  Afartankii Sannadood ee ugu danbeeyay, waxuu Xillal kala duwan oo Wasiiro ah kasoo qabtay Afartii Xukuumadood ee Jamhuuriyada S/land soo maray.

Mar kale Siyaasi, Mujaahid Abiib Diiriye Nuur waxuu Saaxada Siyaasada Caan kaga yahay Karti,Curin,  Kalsooni, Go”aan Qaadasho iyo Fahan Siyaasadeed oo qoto dheer lagu yaqaano,waxaanu ku mutaystay in loogu yeedho ( Siyaasiga Saadaasha Guusha ) Siyaasiga Muj Abiib Diiriye Nuur waxay Diiwaanada Taariikhdu ka marag kacaysaa in Xisbiga uu Raaco ay Guushu Raacdo.

Hadii aynu dul joogsano Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Guulaha uu ka soo hooyay Tartanadii hore loo soo galay, waxay Diiwaanada Taariikhdu ka marg kacayaan in Maalin Taariikhda ku beegan 30/10/2002 uu Hormood u noqday, Muj Siyaasi Abiib Diiriye Nuur Siyaasiyiin ka soo digo rogtay Ururkii Sahan oo ku soo biiray Ururkii Udub,waxaanay Diiwaanada Taariikhdu ka marag kacayaan, in uu hormood u noqday in Siyaasiga Saadaasha Guusha Muj Siyaasi Abiib Diiriye Nuur Guushii Xisbiga Udub ka soo hooyay Doorashadii Golaha Deegaanka ee dalka S/land ka qabsoontay 15/12/2002 ee Ururka Udub ku Xaqiijay in uu u soo gudbo Darajada Xisbinmo.

Sidoo kale waxay Diiwaanada Taariikhdu ka marag kacayaan in Siyaasiga Saadaasha Guusha Muj Abiib Diiriye Nuur Hormood u noqday  Guushii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ka soo hooyay Doorashadii Madaxwaynaha ee Dalka S/land ka dhacday Maalin ku beegan 14/4/2003.

Mar kale waxay Diiwaanada Taariikhdu ka marag kacayaan in Maalin ku beegan Taariikhda  12/7/2007 uu ku biiray Siyaasi, Mujaahid Abiib Diiriye Nuur Xisbiga Kulmiye, waxay Taariikhdu ka Marag kacaysaa in Muj Abiib Diiriye Nuur uu Hormood u noqday Siyaasiyiinta ku suntan Guushii Taariikhiga ahayd ee Madaxwayne Axmad Siiraanyo ka soo hooyay Doorashadii Madaxwaynaha ee Dalka S/land ka dhacday 26/6/2010 .

Ugu danbayn waxaa hubaala in Siyaasiga Saadaasha Guushu Muj Abiib Diiriye Nuur uu Hormood u noqon doono Guusha Xisbiga Wadani ka soo hoyn doono Doorashada Madaxwaynaha ee filayo in ay Dalka S/land ka dhacdo 13/11/2017, iyadoo Bulshada S/land si hagar La”aana u dooran doonta Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Dr C/ramaan Maxamad C/laahi iyo Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka Aqooyahan Maxamad Cali Aw Cabdi, Waa Barito iyo Bill Danbe Hadii Alle Idmo

Qalinkii: Qoraa iyo Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land

COMMENTS
LINKS