Dabaysha Is Badal Doonka Oo Laga Dareemayo Degmada Alaybaday Iyo Saraakiil Ka Socota Xisbiga Waddani oo Dhaqdhaqaayo Siyaasadeed Ka Wadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabaysha Is Badal Doonka Oo Laga Dareemayo Degmada Alaybaday Iyo Saraakiil Ka Socota Xisbiga Waddani oo Dhaqdhaqaayo Siyaasadeed Ka Wadda.
July 22, 2017 - Written by Editor:

Allaybaday(W.N) xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa foore siyaasadeed oo isbadal doon ah ka dhex istaadhay Degmada Alaybaday ee gobolka Gabilay,iyada oo todobaadyadan ugu danbeeyay bulshada ku dhaqan degmadaas laga dareemayay quluub midaysan oo ku jihaysan isbadal doon  yoolkeegu yahay sidii loo heli lahaa xisbi hogaan dhawrsan oo maruun geediga Qarankan  urara Cadaalad,Sinaan iyo horumar kaas oo waqtigan shacabka Reer Alaybaday u arkaan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani sidoo kalana waxa guri kasta oo Ku yaal degmada Alaybaday la sudhay Calanka cas ee uu ku xardhan yahay xisbiga Wadani.

Dabaylahan Siyaasadeed ee u jihaysan isbadal doonka ayay sobob u yihiin haldoorka Alaybaday khaasatan kuwa ka soo jeeda Degmada Alaybaday oo ah baalasha ay ku duulayaan xiligan bulshada reer Alaybaday.

REER ALAYBADAY

Xidigaha fooraha u ah Dabaysha isbadal doonka ah ee ka curatay degmada Alaybaday ayaa waxaa ka mid ah Siyaasi Daa,uud Food Cade oo ah haldooorka iyo aqoon yahanka Reer Alaybaday   iyo xidiga kale ee Oday C/raxmaan Yuusuf (Aw Xereeye) oo ka mid ah odayaasha reer Gabilay, sidoo kalana ka mid ahaa xildhibaanadii hore  iyo qaar kale oo ka mid ah haldoorka bulshada Alaybaday oo intuba  Saamayn xoogan ku leh hanashada quluubta reer Alaybaday , Iyo Ugaas Cabdirasaq Koosaar Cali oo kamida madax dhaqameed  Somaliland gaar ahaan deegaanka Allaybaday waxaana ku biiray xisbiga Wadani taageerayaashii ugu tirade badnaa ee ka soo jeeda degmada Alaybaday.

Siyasiyiintan ,madaxdhaqamed, ayaa iyagu dhawaanahanba ku sugnaa degmada Alaybaday kuwaas oo shir doceedyo kala duwan la yeeshay odayaasha,waxgaradka iyo dhalinyarada reer Alaybaday , iyadoo kulamadani ay  sobob u noqday in ay gudho ishii taageero ee xisbul xaakimka Kulmiye Ka filayay bulshada Ku dhaqan degmada Alaybaday,waxaana ka mid ah Siyaasiyiintan C/raxmaan Yuusuf(Aw xereeye),Daa,uud Food Cade,MuuseMuxumed Yuusuf(Muuse galay),Ugaas C/risaaq Koosaar Cali oo dhamaantood ah xidigaha salka u ah jihada Alaybaday.

Waxaana la filayaa in guud ahaanba todobaadkan inagusoo fool leh ay bulshada ku dhaqan Degmada Alaybaday ay iska xaadiriyaan xisbiga Wadani kuwaas oo u quus goyn doona Dhigiisa Kulmiye.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS