Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waxay Daaran Tahay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waxay Daaran Tahay?
August 6, 2017 - Written by Editor:

Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay  Maayarka Caasimada Hargaysa   Iyo Waxay Daaran Tahay?

Ku: Maayirada Magalooyinka Somalilanr Gaar Ahaan Maayirka Caasimada Hargeisa ,Mudane Abdirahman Mohamoud Aideed

Ujeeddo: Soo Gudbin Fikir Danta Guud ah:-

Mudane Maayir.

 Aniga oo ah Captain Mohamed Abdi Yonis Oo Ka Mid ah Dhalinyarada ku nool caasimada Hargeisa,Waxaan mudane maayir iidinka Mahadcelinaynaa adiga,Xildhibanada Golaha Deeganka Hargeisa &Hawl-Wadaneeda D.H.H Sida firfircoon ee aad u dhisteen Wadooyinka Caasimada Hargeisa iidinka oo dhigayaa Laami Tayo Leh Isla Markaana Istecmalaysan Qalab Casriga Ee D.H.H.

laamayda cusub

Waxaan Si Qadarin Mudan Iidinku soo Gudbinayaa Fikir aan Is leeyahay Baahiyo Imaan Doona Ayuu Wax Weyn ka Tari Doona Waana Sidan :-

  • . Intaan La Dhigin Laamida Casriga ah Ee Caasimada Hargeisa In 20KM/3OKM -Ba Loo Sameeyo 3 Dhuumood oo nooca Dhexe ah Isla Markaana isku jira 3M.

Waxaana Loo Istecmaalayaa:-

    1.Dhuunta Qasabadaha Biyaha & Kaagaga

    2.Dhuunta Xadhkaha Laydhka

    3.Dhuunta Xadhkaha Telephonada & Inter-net

○Faa’idooyinka 3 Dhumood Ee La Hoos Dhigaayo Laamida Casriga Ee ay Hirgeliyan Golaha Deeganka Hargeisa :-

        ▪Waxay Badbaadinaysaa In Marka

             Loo Baahdo In Laamida Laga talaabiyo

             Qasabadaha biyaha,Xadhkaha Laydhka

             Xadhkaha telephanada & Inter-netka

             Maadama Mustqbalka dhow Laga

             Wareegi doona xadhkaha cirka mara

             Lana marin doono dhulka si ay

             Bilicada caasimada u badbaado

 

            ▪Ina la Dumiyo Wado Casri ah Oo Xoog

             Xoolo ayay nagaga baxeen ay badbaado

             U noqon doonan 3 dhuumood.

             Madaama 1KM ku Baxdo Lacag  Badan

           ▪In Labada Dhuumood Ee Telephonada

             ,internetka & Dhuunta Laydhkaba

             Istecmaali Doona Laga qaadi doono

       Caashuur shirkadaha bishii ama Sanadkii Oo

             Dakhli Cashuureed Soo gelin Doonta

             D.H.H.

           ▪Dhuunta 3aad Waa Dhuun La dhex

                Marinaayo qasabadaha ama Kaaga

                Oo bulshada u baahan,dhuuntana

                Waxay la jaan-qaadaysa Mashruuca

                Biyo Baladhinta  Caasimada

                Waana Dhuutani waa Bulaash

               Madaama baahi dadweyne tahay

               Awgeed,Waxan Mamuli doonta

      Waakalada Biyaha Hargeisa Farsamo ahaan

 Mudane maayir  , Waxaan Si Qadarin &Maamus Leh kaaga Rajeynayaa   In aad Fikirkan  Ka Midho Dhalin Doonto. Isha allah.

 N.B:Waxaan Ku Soo Lifaaqay qoraalkan Shaxda Talada Ee Dhuumaha la Hoos Marinaayo Laamida  casriga ah.Shaxdana Sida Ugu Dhakhasaha Badan Ayaan ku soo gudbin Doona Isha allaah.

SHAXDA 1

SHAXDA 2 SHAXDA 3

 

Allaa Mahad Leh

 

Captain Mohamed Abdi Yonis Daljire

Hargeisa ,Somaliland.

COMMENTS
LINKS