In la kala Roonaadaa Waa Gobanimo, In Aan la Is Ceebo Baadhina Waaba Diini , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
In la kala Roonaadaa Waa Gobanimo, In Aan la Is Ceebo Baadhina Waaba Diini ,
August 8, 2017 - Written by Editor:

 ( BEESHAYDA IYO SIYAASADA )

ISMACIIL YARE hadaan isagana ereyo kooban ka idhaahdo waa ismail aden osman haji farah waa ninkii awowgii maqaaxidii ugu horeysay ka samaystay HARGEISA, waa mid ka mid ah wasiiradii ugu baarqabsanaa ee soo mara wasarada Arimaha gudaha waa shaqsi dhiiran oo hadal cad oo wax iska celiya.

Hadaba anigu shaqsi ahaan maan jeclayn aadna waan uga xumahay in sidan qaawan loo wada hadlo shaqsi weerarkuna waa wax foolxun oo aan waxba soo kordhinayn, waxaana ay dhashaa xumaan iyo in dadku ku kala fogaadaan, waxa aanan la hadlayaa reer somaliland oo dhan in hab dhaqankaasi aanu wanagsanayn.

Waxa aan daawaday ismaill yare oo si adag isaga difaacay eedaymo uu u soo jeediyey xasan gaafaadhi oo uu ismail sheegay in uu muuse biixi u soo dhiibay, in ismail adan sidan u hadlana waalagu kalifay ee kulmiyoow caqligiinu ma waxa uu dhaafi waayey in aad xaqirtaan ama wax ka sheegtaan maalinba siyaasiga idinka baxa?

Qolada xisbigayaga wadani ee waliba ka soo jeeda beeshayda waxa aan leeyahay kulmiye isagaa dhicis isugu filane in yar uun daaya in la is qodqodo iyo in la is xaqiro iyagaa bilaabay xumaan uun baanay dhashaaye aynu ka roonaano bilaa calayk oo aynu sidii aynu wax ka duwan oo wanaagsan u yeeli lahayn falowgeed galno, sida wax loo wada waxa loogu talo gallay in xumaani dhacdo e.

waxa aan ku talinayaa oo dadkayga reer somaliland dhamaantood kula talinayaa in ay gobanimadu ku jirto in la helo xisbiyo tartamaya ee aanay noqon reero tartamaya, in shaqsi weerarka iyo is xaqiraadu ay dhasho is nac iyo xinjiro fajaas foolxun oo lagu kala fogaado, in la kala roonaado oo hadalada qaar aan la isaga jawaabin oo la isu tanaasulo.

waa milgo iyo sharaf in muwaadiniinta somaliland is dhex galaan oo nin waliba xisbiga uu doono ama uu u arko danta qaranku in ay ku jirto in uu galo waanan ku amaanayaa cid kasta oo wadadaa martay, in la isku hambalyeeyo mooyaane in cay iyo ceebayn la iska daba tuuraa meesha ma taalo.

Inyar waxa aan hoos ugu daadagayaa su’aalo aan idin waydiinayo oo kala ah:-

1- loolanada iyo siyaasada dhex marta masuuliyiinta iyo madaxda beeshaydu maxay kaga duwan ta dadka somaliland ta kale?

2- in sidan loo wada hadlaa ma ilbaxnimaa iyo fariidnimo mise waa ceeb iyo foolxumo?

3- in aynu la kala safanaa oo aynaan khaladaadka iska qaban wanaagana isku taageerina ma wanaag baa mise waa xumaan badheedh ah?

QALINKII ; MAXAMED DHIMBIIL

COMMENTS
LINKS