Siyaasiyiinta Beelaha Sacad Muuse Oo Ku Hawlan Sidii Hormo Kale Oo Siyaasiyiin Miisaan Leh Hor kacayaan Ugu Biiri Lahaayeen Xisbiga Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiyiinta Beelaha Sacad Muuse Oo Ku Hawlan Sidii Hormo Kale Oo Siyaasiyiin Miisaan Leh Hor kacayaan Ugu Biiri Lahaayeen Xisbiga Wadani
August 8, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Siyaasiyiinta Beelaha Sacad Muuse ayaa La filayaa in aqlabiyadoodu ku biirto xisbiga Mucaaradka ah ee Wadanii iyada oo imika laga dareemayo deegaanada  galbeedka iyo waqooyiga  Hargaysa dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo hormo kale oo ay horkacayaan xidigo caan ku ah siyaasada iyo isbadalada kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafaso ilaa dhawr iyo labaatan siyaasi.

Ilo wareedyo u dhuun daloola arimahan ayaa tibaaxaya in dhaqdhaqaaqyadan uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee arimaha gudaha C/laahi Ciro oo isagu dhawaan ku biiray xisbiga Wadani ,waxaanay ilahani tibaaxayaan in shir doceedyo dhawaanahan ka socday caasimada hargaysa kulan uu dhex maray C/laahi Ciro iyo Axmed Jaambiir Suldaan oo isaguna xilka wasiirka arimaha gudaha ka soo qabtay xukuumadii Ina Cigaal iyo Rayaale,waxaanay shir doceedyadani la isla qaatay in taageero midaysan lagu taageero xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

jaambiir iyo Ciro

COMMENTS
LINKS