Steven Gerrard Oo Sheegay In Jose Mourinho Uu Man United Ka Dhigayo Sidii Chelsea Markii Uu Maamulkeeda Hayay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Steven Gerrard Oo Sheegay In Jose Mourinho Uu Man United Ka Dhigayo Sidii Chelsea Markii Uu Maamulkeeda Hayay.
August 9, 2017 - Written by Reporter:
Laacibkii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa wuxuu qiray in tababaraha ree Portugal ee Jose Mourinho uu isku dayayo in shaxda kooxdiisa cusub ee Manchester United uu u ekeesiiyo tiisii hore ee Chelsea.

Halyeeygii hore kooxda Liverpool ayaa wuxuu tilmaamay in Jose Mourinho uu doonayo inuu sameeyo koox weyn oo aad u xoogan inta uu joogo kooxda Manchester United, si ay ugu dagaalanto dhamaan tartamada waaweyn ay qeybta ka noqon doonto xiliyada soo aadan.

Steven Gerrard ayaa wuxuu yidhi isaga oo ka hadlayay shaqada adag uu Mourinho ka wada safka kooxda Red Devils: “dhamaantayda waan wada aragnaa  waxa Mourinho isku dayayo inuu ka sameeyo Manchester United, taasoo la mid ah waxa uu kasoo sameeyay Chelsea,”.

Laacibkii hore ee xulka qaranka England ayaa sidoo kale hadalkiisa intaa kusii daray: “Jose Mourinho wuxuu ka dhigay Chelsea koox weyn oo awood badan u leh inay ku guuleysan karto koobab fara badan oo waaweyn, wuxuuna haatan qorsheenayaa in markale uu ka dhigo Manchester United sidaas oo kale”.

 

Halyeeygii hore kooxda Liverpool ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arko saxiixa cusub ee kooxda Manchester United Nemanja Matic oo kulankiisii ugu horeeyay oo rasmi ah kasoo muuqday safka Red Devils finalkii UEFA Super Cup ay guuldarada kala kulmeen Real Madrid.

Gerrard oo Nemanja Matic ka hadlayay wuxuu yidhi: “Nemanja Matic waa saxeex weyn oo muhiim ah, wuxuuna wax badan ka tari doonaa Manchester United, gaar ahaan rikoodhadiisa ku aadan gool caawinta iyo sidoo kale dhalinta ayaa ah kuwa ka hadlaya wax qabadkiisa wanaagsan”.

 

_87227235_stevengerrardandjosemourinho

 

COMMENTS
LINKS