Madaxwaynaha Jsl Oo Shacbiga Somaliland Iyo Ciidamada ka Tacsiyadeeyay Marxuum Gashaanle Sare Ismaciil Maxamuud Dhimbiil (Raabi) Oo ku Geeriyooday Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacbiga Somaliland Iyo Ciidamada ka Tacsiyadeeyay Marxuum Gashaanle Sare Ismaciil Maxamuud Dhimbiil (Raabi) Oo ku Geeriyooday Hargeysa.
August 9, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan ciidanka Asluubta ee uu ka baxay gashaanle sare Ismaciil Maxamuud Dhimbiil (Raabi) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu  ahayd 09/08/2107.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumkaasi, oo muddo dheer u shaqaynayey qaranka iyo shacbigiisa reer Somaliland ahaana naftii hure ka tirsan ciidamada dalka kana gaadhay derejada gashaanle sare intii uu gudanayey waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS