WAJAALE NEWS

DAAWO; Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey Oo Si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyay Madaar Caasimada Ee Hargaysa, SAWIRO

HARGAYSA(W,N) Canbaaro lixdii iyo badhkii subaxnimo ee saaka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Cigaal soo cago dhigatay diyaarada Fly Dubai oo uu la socday Abwaanka Da,dayar ee Cabdilaahi Xasan Ganey oo mudo dheer dalka ka maqnaa,

Soo dhawaynta Abwaanka ayaa waxaa  madaarka Cigaal kusoo dhaweeyay Abwaano , xildhibaano siyaasiyin, iyo qoyska reer xasan ganey oo uu horkacayo abwaanka rugcadaaga Xasan Ganey iyo Saxiibkiisa suugaanta Maxamed Aadan Dacar oo ka kamida suugaan yahanada ugu waawayn gayiga somalida,

 

Waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Ismaaciil jaamac xirsi(cagayare ) oo kamida xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada Hargaysa  waxaana kamid ahaa hadaladiisii, waxaan halkan kusoo dhawaynaynaa cabdilaahi Xasan Ganey oo uu dhalay abwankii waynayaa Xasan Ganey isla markaana ah Hal Abuurka Dadayar Ee Reer Somaliland oo Mudo dalka kiisa hooyo ka maqnaa, waxaan leeyahay kusoo dhawaw dalkaagii,Ayuu yidhi

Waxa isna madashan soo dhawaynta ah ka hadlay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) wuxuna yidhi; waxaan halkan kusoo dhawaynayaa walalkay Abwan Cabdilaahi Xasan Ganey Waxaan leeyahay kusoo dhawow dalkaagii iyo dadkaagii,

Dhanka kale waxaa iyagu madashan  kelmada soo dhawaayna kazoo jeediyay Abwaan  Cabdiraxmaan Abees fanaan Cabdi Hani Xaashi Marwo Nasra Cabdiraxmaan iyo xubno kale

Waxaan goobta ka Maqnayn Abwan maxamed aadan dacar weedho qiimo badan ku qaabilay halbuurkan da,dayar ee mudada dheer ka maqnaa dalka,

Ugu danbay waxaa kelmada mahad naq ah oo ay ku dheehan tahay farxad iyo boholyow jeediyay abwaan cabdilaahi xasan ganey wuxuna yidhi; Runtii lama qiyaasi karo dareenkayga waxaan ismooday qolyihii wasiirada ahaa sida aad isoo dhawayseen waxaan qiyaraa in aanan iniga mutaysan soo dhawaynta balse ay tahay  xushmad iyo karaamo aad igu qaabisheen.

Dhamaan waxaa u mahad celinaya cidkasta oo ka qayb qaadatay soo dhawaynta balaadhan oo  ay hurmuud ka yihiin xildhibaan Ismaaciil jaamac Xirsi saxaafada Siyaasi Axmed Cumar Xamarje iyo dhamaan haweenka  goobtan ku sugan ee xiligaa usoo diyaar garaabay in ay maamuuskaa igu qaabilaan,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version