Falaqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka Golaha Wakiilada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falaqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka Golaha Wakiilada.
August 11, 2017 - Written by Reporter:

Sida aad ka wada war haysaan waxaa jira khilaaf baahsan oo u dhaxeeya Golaha Wakiilada kaas oo ka dhashay doorashiidii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Guddoomiyanimada Golaha waxaa u tartamayey laba xildhibaan oo kala ah Xil. Cabdiraxman Maxamed Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarah.

Sida xeer-hoosaadka goluhu dhigayo, markii CV-yada laba xildhibaan la akhriyey, qudbadahoodiina la dhagaystay, waxa uu guddoomiyihii shirka Golaha Guddoominayey bilaabay in loo kala codeeyo xildhibaan ee tartamayey. Sida laga wada war hayo waxa doorasha loogu dhawaaqay in uu ku guulaystay Baashe Maxamed Faarah, halka xildhibaankii la tartamayeyna uu hambalyeeyey. Intaa ka dib waxaa war-baahinta ka soo muuqday Xildhibaan Talyanle oo leh doorashada anigaa guulaystay oo tirada hal-dheeriga ah anigaa laygu codeeyey, balse waxa is dhaafiyey dadkii tirinayey doorashada. Waxa aanay soo bandhigeen cadaymo, sidoo kale waxa ay arji dacwada cabasho ah u gudbiyeen maxakamada sare ee dastuuriga ah, taas oo ka qabatay sheegtayna in ay darsayso arjiga.

Sidoo kale Sharciyaqaanka Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha cusubi ay tahay go’aan gole oo aan maxakamada sare ka garniqi karin.

Markaa waxaan go’aansaday in aan xaga sharciga ka eego khilaafkan golaha wakiilada. Ugu horayn awoodaha saddexda waaxood ee dawladu (Golaha Sharci dajinta, Golaha Fulinta iyo Garsoorka) way kala madaxbanaanyiin ( separation of power), balse ay is-dheelitiraan (check and balance). Way madaxbanaanyiin macnaheedu waa in aan midna midka kale faro galin xiliga uu go’aamadiisa gaadhayo, laakiin go’aamada marka uu gaadho, haddii la helo cid ka cabanaysa go’aamadaas oo dhibane ka ah waa lala eegayaa in ay sharciyada waafaqsanyihii go’aamadu iyo in kale.

Tusaale haddii Golaha fulintu uu soo saaro go’aan, ka hor imanaya xuquuqda muwaadiniinta ee dastuurku balan qaaday, dadka dhibanaha ka ah go’aankani waxa ay uga dacwoonayaan maxakamada dastuurigaa, maxakamaduna way jibinaysaa go’aankaa isagoo go’aan gole ah. Sidoo kale Guddoomiyaha maxakamada sare, haddii uu hawshiisa ka soo bixi waayo madaxwaynuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu xilka ka qaado sida ku cad qodobka 105aad firqadiisa 3aad oo leh “Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida” marka uu xilka ka qaadana lama odhan karo lama odhan karo waxa la faro galiyey madaxbanaanidii garsoorka, waayo waxa xilka looga qaadayaa jabin shari, oo xil-gudasho la’aantu waa jabin sharci. Madaxwaynaha sida ku cad dastuurka isna waa laga qaadayaa xilka, haddii lagu helo jabin sharci, waxaana ka qaadaya labada gole oo isu dhan.

Haddaba, haddii aad eegto qodobka 15aad firqadiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu sheegayaa “ Maxkamada dastuuriga ah waxay awood u leedahay :- a) dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysa” qodobkani waxa uu sheegayaa in maxakamada dastuuriga ahi go’aan ka gaadhi karto go’aamada xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka, balse dhinaca dacwada bilaabay waxa looga baahan yahay in ay cadeeyaan sid aanay u waafaqsanayn dastuurka. Arrinta ay tahay in mudnaata la siiyo waxa weeye goluhu iskuma haystaan Go’aan Gole ee waxa ay isku haystaan waa in khiyaamo lagu saleeyey go’aankii golaha taas baalmarsan xeer-hoosaadka golaha ee la waafajiyey dastuurka, balse dhinaca dacwoonaya waxa looga baahan yahay in ay soo bandhigaan cadaymaheeda oo dhammaystiran. Sidoo kale qodobka 15aad firqadiisa 11aad ee isla Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu sheegayaa “Maxkamada Dastuuriga ahi waxay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan”.

Hadaba, kalmada dastuur waxa loo adeegsadaa ama loo yaqaan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeer kasta oo laga sameeyey qodob dastuuri ah. Sida ku cad qodobka 45aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland fiqadiisa 1aad “Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya”. Xeer-hoosaadka golaha wakiilada waxa lagu sameeyey qodob dastuuri ah, sidaas daraadeed, haddii xeerkan la jabiyo waa dastuur jabin.

Qodobka 15aad firqadiisa 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) waxa uu ka digayaa in aan go’aamada maxakamada dastuuriga ah lagu salayn siyaasad “Go’aamada Maxkamada Dastuuriga ah laguma salayn karo siyaasad”.

Awoodaha sharci ee Maxakamada Dastuuriga ah ka mid ah in ay laasho xeer la soo saaray, haddii la cadeeyo in aanu dastuurka waafaqsanayn, markaa lama odhan karo “maxamadamadu kama garniqi karto go’aan gole”. Sida ku cada qodobka 15aad firqadiisa 10aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) “Maxkamada Dastuuriga ahi waxay si ku meel gaadh ah u laaleysa ku dhaqanka xeerka ama qodabka dastuurnimadiisa la duray ilaa inta ay ka soo saareyso go’aan kama danbeys ah”.

Hadaynu eegno najiitada doorashada haddii muran ka yimaado ama xisbiyadu ay isku arrin sharci ama muran sharci dhexmaro waxa awood u leh in ay ka garnaqno Maxakamada Dastuurigaa. Arrintan Golaha ka taaganina waa khilaaf taas oo kale la mid ah.

Ugudanbayntii, sharciyan waxaan qabaa in Maxakamada Dastuuriga ahi ay awood u leedahay in ay ka garnaqdo khilaafka golaha wakiilada. Arrintu iminka ma taagna go’aan gole ee waxay taagan tahay go’aan gole oo lagu saleeyey khiyaamo, khiyaamadu waa dembi sida ku cad qodobka xxx ee xeerka ciqaabta guud. Gunaanadkii waxaan ku talinayaa Xilka Guddoomiyinimadu haynoo dambeeyee, ku kala bixida sharciga ma dhawrnaa, sharcigana ma ka shaqaysiinaa.

Allah Mahadle

Garyaqaan Yuusuf

COMMENTS
LINKS