Degmanimadii Cali-xaydh Oo Soo Faqdey Utumahii Reer Gabiley U Hayeen Maamulkii U Horeeyay Ee Wasaarada Arimaha Guduhu Kaga Hoos Saartey Gabiley iyo Amarkii Muuse Biixi Ku Bixiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Degmanimadii Cali-xaydh Oo Soo Faqdey Utumahii Reer Gabiley U Hayeen Maamulkii U Horeeyay Ee Wasaarada Arimaha Guduhu Kaga Hoos Saartey Gabiley iyo Amarkii Muuse Biixi Ku Bixiyay
August 13, 2017 - Written by Reporter:

Reer Gabiley Oo Dib Ugu Noqdey Taariikhda Bixintii Cali-Xaydh Uu Gabiley Kaga Hoos Saarey Murashaxa Jagada Madaxweyne Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Markii Uu Wasiirka/Arimaha Gudaha ka Ahaa Xukuumadii Marxuum Cigaal..

Hargeysa(W,N)-Xiisad adag ayaa ka kacdey kadib markii dhawaan Tuulada Cali Xeydh oo hore uga tirsanaan jirtey Deegaanadii Gabiley hoos iman jirey taas oo Sanadkii 1994kii bishii todobaad uu amar adag kusoo Bixiyay Muuse Biixi Cabdi Murashaxa jagada Madaxweyne ee Kulmiye oo waagaas ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Xukuumadii Marxuum Cigaal in ay ka hoos baxdo Cali-xeydh Maamulkii Deegaanka Gabiley islamarkaana waxa uu amar ku bixiyey in laga soo raro Cutub katirsan Ciidanka Booliska ee Taliska Gabiley oo boos celin u joogey Cali-Xeydh kana mid ahaa Ciidamadii loogu hor qarameeyay.

 

 

xato

 

 

Arintan ayey maalmihii u dambeeyay Reer Gabiley siweyn u hibateeyeen in Muuse Biixi Murashaxa jagada Madaxweyne ee Kulmiye mar labaad k hawlgaley in Calixeydh Gabiley kasii Fogaato, waxaana siweyn loo hadalhayey Gabiley kulankii Cuqaashu la qaateen Muuse Biixi codsigii ay ugu sii Xirsi Xidheen qadiyadaha Gobolka Gabiley ansixintiisa iyo wixii ay kala Kulmeen Xukuumadii kulmiye haseyeeshee,Muuse Biixi Cabdi Muarshaxa jagada Madaxweyne ee Kulmiye waxa uu Cuqaasha si badheedh ah ugu sheegay in aanu waxba u balanqaadi karin wakhti xaadirkan Islamarkaana aaney munaasib aheynn habayaraatee in ay hada kasii wada hadlaan arimo khuseeya Gobolnimada Gabiley.

 

Geesta kale waxa ayaamihii u dambeeyay Xiisad adag kordhiyey Magacaabistii Degmanimo ee Xukuumadu ugu magacwadey Degmada Cali Xeydh ooh ore uga tirsanaan jirtey Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley haseyeeshee,sanadkii 11994kii bishii todobaad uu Muuse Biixi amar Wasiir kaga hoos qaadey Qoraal amar ah oo uu ku farayo in Maamula Gabiley faraha ka qaadaan Cali-Xeydh halkaas oo ay sitoos ah ula wareegeen Maamulkii Gobolka Awdal gaar ahaana Degmada Baki.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS