Inta Uu Nool Yahay Aan Ereygiisa Idhaahdo! Qalinkii Maxamed Dhimbiil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Inta Uu Nool Yahay Aan Ereygiisa Idhaahdo! Qalinkii Maxamed Dhimbiil
August 13, 2017 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud ( siilaanyo )

Somalidu waxa ay amaantaa ama ay intiisa sheegtaa maalinta uu dhinto iyo maalinta uu kursiga ka tago, mar haday sidaa tahay maanta ayuu nool yahay oo uu talinayaa ee aan intiisa sheego.

Ahmed Mohamed Mohamoud ( siilaanyo ) Waa madaxweynaha qarankan jamhuriyadda somaliland, waa halyey taariikh guun ah ku lahaa oo hor u mar lagu xasuusto dawladii somalia, waxa uu halgankii SNM ku biiray sanadkii 1982 waxaana uu noqday gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM soo hogaamiyaa AHMED SIILAANYO waxa soo si toosa iyo si dadbanba ugu jiray dhismihii qarankan SOMALILAND isaga oo aan marnaba dibada uga bixin duruuf mooyaane, waxa uu soo qabtay xilal wasiirnimo iyo xildhibaanimoba Aakhirkii waxa uu noqday madaxweynaha jahmhuuriyadda barakaysan ee somaliland oo uu xilkeeda hayey 7 dii sano ee ugu dambeeyay, waxa lagu sifeeyaa shaqsi farxad badan oo calool nugul jecelna in uu dadkiisa wax muuqda uga tago, mudadii uu joogay wax badan buu qabtay ibnu aadam baan dhaliil waayine.

waa qof wanaagsan oo aan cuqdad lahayn waxaana tusaale u ah, waxa uu soo dhaweeyay dadkii ugu darnaa ee ka soo horjeedi jiray ama dhibaatayn jiray intii uuu kursiga ku socday oo mansabyo siiyey bal u fiirso xukamadiisa hore iyo dambaysaba, walow aan ka mid ahaa dadka ku dhaliila, hadana waxa aan ku qancay diinteenu waxa ay tidhi qofka ku xumeeya wanaaji, waxaa kale oo aynu ka qaadanaynaa in aanay siyaasadu cuqdad lahayn iyo xumaan ee ay ka wanaagsan tahay in dadka wada jir loo wado oo la walaaleeyo.

In uu diyaar u ahaa umadan in uu wax wanaagsan oo badan dalkan u qabona waxa iiga markhaati ah dawladii koobnayd ee uu soo dhisay ee ka koobnayd 26 Wasaradaha iyo Hay’adaha isugu jiray ee markiiba laga hor yimi waayo dadkeenu waxa ii soo baxday in aanay waxqabad jeclayn iyo horumar ee uu nin waliba in uu systemka iska dhex arko ay ka jecel yihiin, wax badana wuu qabtay oo la taaban karo.

Intii uu joogay waxa la galay qaladaad farabadan oo awooda dawladnimo ayaad moodaa in ay baahday oo lagu takri falay, hanti badan oo qaranku lahaana la lunsaday taasina waxa aanu ku liqnay in uu yahay bini aadam waliba wakhti adag ku soo beegmay oo xurgufo badan lagu kiciyey dad badan oo uu xushayna aanay noqon qaar sidii uu doonayey wada noqda, in la is xagxagtona uu ka doorbiday in la isku xilqariyo, waxba yaanan u cudur daarine waa khaladaad ka soo baxay intii uu talinayey.

Aniga shaqsi ahaan waxa uu iigu jiraa shaqsiyaadka ugu qiimaha badan ee umadan u dhashay, kamanaan saarine wuu iigu jirayaa oo waxa aan ku garaadaystay iyada oo magaciisa lagu dhawaaqayo, waxwalba wax uun baan ku ilaawaa, wax badan baan dhaliilay igamanay ahayn nacayb ee ha is toosiyo ayey ahayd oo isaga ayuun baan magac iyo sumcad la jeclaa, maanta waa Alxamdulilaah oo dhibaato inama haysatee qaran dhamaystiran ayeynu haysanaa, waxii uu qabtayna wuu qabtay waxii uu ka gaabiyeyna insha Allah waala qaban doonaa, waanu ugu ducaynaynaa in ilaahay ku asturo masuuliyadaa umadda.

ALLE HA XAFIDO MADAXWEYNAHA QARANKA SOMALILAND

 

Muhámed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS