Real Madrid Oo Guul Ka Gaadhay Barcelona 3-1 Ugu Awood Sheegatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Guul Ka Gaadhay Barcelona 3-1 Ugu Awood Sheegatay
August 13, 2017 - Written by Reporter:

FB_IMG_1502662073792 Real1-768x497 Real-1 Ronaldo1 Ronaldo-3

Real Madrid ayaa guul wayn ku soo gaadhay Camp Nou kadib markii ay 3-1 ugu soo awood sheegatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona.Zidane Zidane ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee rasmiga ahaa ee ay Valverde iskaga horyimaadeen Camp Nou waxa uu tusay sida aanu kooxdiisa hadda uu uwataa u ahayn koox la joojin karo.

Gerard Pique ayaa goolka furitaanka Madrid iska dhaliyay halka Cristiano Ronaldo uu ciyaarta inta uu badal ku soo galay uu gool layaableh Madrid markale hogaanka ugu soo celiyay iyada oo daqiiqado ka hor uu Lionel Messi goolka barbaraha uu rekoodhe ugu keenay Barcelona, laakiin Ronaldo ayaa dhamaadkii ciyaarta kaadhka cas loo taaagay kadib markii uu garsooruhu arkay inuu si qalad ah rekoodhe ku raadiyay laakiin Marco Asensio ayaa gool layaableh Barcelona dhulka ku jiiday iyada oo waliba Madrid markaa 10 ciyaartoy ahayd.
Real Madrid ayaa talaabo wayn sarre ugu qaaday koobkeeda labaad ee xili ciyaareedka cusub iyada oo Bernabeu ku Barcelona waxayna kooxda Zidane haysataa goolasha martida iyo waliba guul 3-1 ay oo ay Camp Nou ku soo gaadhay.Difaaca Barcelona gaar ahaa Gerard Pique oo kulankan si buuxda ugu fashilmay ayaa muujiyay sida ay u nugul yihiin.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa Camp Nou iskaga hor yimid kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ee xili ciyaareedkan cusub iyaga oo kulankii lugta hore ee Spanish Super Cupka ku ciyaaray garoonka Barcelona ka hor inta aan kulanka lugta labaad Bernabeu loogu kala bixin ku guulaysiga Spanish Super Cupka.

Kulankan ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ee uu macalinka cusub ee Barcelona ee Valverde uu maamulayay kooxdiisa Barcelona laakiin Zinedine Zidane oo kooxdiisa Los Blancos dhawaan ku soo hogaamiyay UEFA Super Cup ayaa doonayay in uu natiijo fiican kala soo laabto El Clasico rasmiga ah ee xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Spain furitaanka u ah.

Qaybtii hore ee kulankan ayaan noqon sidii laga filayay marka ay noqoto goolal laakiin waxay ahayd kulan adag oo ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen sida ay uga go’antahay inay koobkan ku guulaystaan. Waxaa jiray fursado labada kooxood ay abuureen inkasta oo ayna labada gool haye ee Ter Stegen iyo Navas shaqo badan oo ay ku mashquulaan ayna qaban.

Inta ugu badan kubbada ayaa qaybtii hore ee ciyaarta loogu dagaalamayay khadka dhexe laakiin Barcelona ayaa ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haysay halka Real Madrid ay ka ahayd kooxda bartilmaameedka ugu badan oo 3 jeer ah goolka Barcelona toogatay iyada kooxda martida loo ahaa ee Barca ay qaybtii hore samaysay hal bartilmaameed oo kaliya.

Gareth Bale, Isco iyo Benzema ayaa Real Madrid dhinaceeda helay fursado fiican iyada oo waliba Bale uu helay fursada ugu halista badnayd laakiin Luis Suarez ayaa ahaa xidiga Barcelona u helay laba fursadood oo fiican iyada oo kubbad uu goolka Madrid kula bixi lahaa uu Dani Carvajal si cajiib ah uga horqaaday kubbada.
Waxaa jiray qaladaad badan oo keenay in ciyaartoyda labada kooxood kaadhadh digniin ah la siiyo iyada qaybtii hore oo kaliya uu garsoorihu bixiyay shan kaadh digniin oo ahaa saddex Madrid ah iyo laba Barcelona ah. Casemiro, Gareth Bale iyo Dani Carvajal ayaa dhinaca Madrid kaadhadh digniin ah la siiyay halka Lionel Messi iyo Gerard Pique ay kaadhka huruuda ah ka qaateen Barcelona.

Inkasta oo aan wax goolal ah la kala dhalin haddana waxaa jirtay xamaasad iyo dhiiranaan ay labada kooxood kulankan ku muujiyeen iyada oo garoonka Camp Nou si cajiib ah loo soo buuxiyay waxaana soo fadhiistay 89514 qof oo kulankan ka soo xaadiray, balse qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo dardar xoogan ku socota halka sidoo kale Barcelona ay doonaysay in ay ciyaarteeda wax ka badasho laakiin markiiba waxaa la dareemi karayay in hadda ay bilaabantay El Clasico dii dhabta ahayd.

DAQIIQADII 50 Gerard Pique ayaa kooxdiisa Barcelona musuubo ku noqday kadib markii uu si waali ah shabaqa kooxdiisa ugu hubsaday kubbad uu Marcelo ka soo karoosay dhinaca bidix isaga oo Real Madrid ka caawiyay wixii ay awoodi wayday ee ahaa in ay shabaqa Barca gaadho, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Xamaasada ciyaarta ayaa markan noqotay mid shidantay iyada oo Barcelona bilawday in ay jawaab raadiso halka Real Madrid ay kalsooni buuxda ka heshay goolka isla markanaa ay bilawday raadinta goolal kale. Daqiiqadii 53 aad Rakitic iyo Vidal ayaa fursad fiican abuuray laakiin Deulofeu oo ciyaarta ku dhex lumay ayaa ku fashilmay in uu kubbad fiican oo uu helay goolka barbaraha ku dhaliyo.

DAQIIQADII 55 aad Real Madrid ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Karim Benzema si xun u kala dhantaalay Gerard Pique oo ku dhibtoonayay kulankan qaybtiisii danbe, laakiin kubbada uu Benzema goolka soo hormariyay ayuu Carvajal ugu dhawaaday in uu ku dhaliyo goolka labaad ee Madrid laakiin Jordi Alba ayaa sameeyay badbaadin layaableh isaga oo xariiqda goolka kubbada ka soo celiyay.

DAQIIQADII 59 aad Cristiano Ronaldo ayaa kaydka ka soo kacay waxaana ciyaarta laga saaray Karim Benzema inkasta oo uu qaybtii danbe dhibaato badan ku abuurayay Barcelona sidoo kale Denis Suarez ayaa isna ciyaarta soo galay iyada oo la badalay Deulofeu.

DAQIIQADII 64 aad Varane ayaa isna ku sigtay in uu sameeyo wixii uu Pique sameeyay iyada oo xidiga ree France uu ku sigtay in uu si qalad ah kubbada ugu leexiyo shabaqa kooxdiisa balse waxa uu yeeshay nasiib fiican iyada oo kubbadu wax yar birta u martay.

DAQIIQADII 70 aad Gareth Bale ayaa karoos qurux badan u soo tuuray Cristiano Ronaldo kaas oo boos fiican haystay laakiin kubbada ayuu birta sarre mariyay halka uu wax yar kadib kubabda shabaqa ku taabtay inkasta oo uu offside ku jiray. Laakiin Real Madrid ayaa noqotay kooxda goolka labaad laga filan karo iyada oo Barcelona u muuqatay in ay lumisay dheeli tirnaantii ciyaarta.

DAQIIQADII 73 aad Barcelona ayaa ugu danbayn u muuqatay in ay heshay goolkeeda barbaraha kadib markii uu Denis Suarez shaqo fiican soo qabtay laakiin kubbada goolka Madrid hortaalay ayuu Busquets cirka u laagay !!.

DAQIIQADII 75 aad Barcelona ayaa weeraro layaableh hal mar bilawday iyada oo Lionel Messi uu darbo xoogan ku tuuray goolka Madrid laakiin Navas ayaa kubbada iska joojiyay balse kubbada soo booday ayuu markiiba Denis Suarez ku celiyay laakiin jawaabta Navas ayaa markiiba deg deg noqotay.

DAQIIQADII 76 aad kubbada oo sidii ugu wareegaysa goolka Madrid ayuu Messi kubbad u furay Suarez laakiin waxay kubbada ku tartameen Navas laakiin qalad uu goolhaye Navas galay ayaa keentay in Barcelona lagu abaal mariyo rekoodhe.

DAQIIQADII 77 aad Lionel Messi ayaa kubbada isku soo taagay inuu darbada rekoodhe tuuro isaga oo markiiba si fiican u dhamaystiray waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah waxaana bilaamay wakhti waali ah iyada oo isla markiiba Denis Suarez uu Barcelona ka lumiyay fursad ay isla markiiba goolka labaad kula iman gaadhay.

DAQIIQADII 80 aad Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid u dhaliyay gool layaableh isaga inta uu Gerard Pique kubbada daba marsaday si xoogan Ter Stegen u u diiday in uu wax gool badbaadin ah sameeyo wuxuuna Ronaldo muujiyay saamaynta layaabka leh ee uu kooxdiisa ku yeeshay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Madrid markale hogaanka ciyaarta kula soo laabtay.

DAQIIQADII 82 AAD KAADHKA CAS!! Ronaldo ayaa waxaa markan kaadhka labaad ee dingiinta ah lagu siiyay inuuu been iyo istuur ku raadiyay rekoodhe waxaana xidiga reer Portugal laysku raaciyay kaadhka digniinta ah ee labaad iyo kaahdka cas, waxanana 8 dii daqiiqo ee ugu danbeeyay kulankan Madrid lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.
DAQIIQADII 90 AAD da’yarka layaabka leh isla markaana jecel in uu goolal ka dhaliyo kulan kasta oo ugu horeeya koob cusub oo uu ciyaarayo ee Marco Asensio ayaa aduunka iyo Barclelona kaga yaabsatay gool cajiib ah isaga oo kubbad qurux badan ka dhamaystiray meel ka baxsan xerada ganaaxa Barcelona, laakiin waxay ceeb kale oo saddexaad u soo hoyatay Gerard Pique kaas oo markale ahaa difaaca Asensio raacday, waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay toban ciyaartoy oo Madrid ahi hogaanka ciyaarta ku sii dheeraysteen.

In Real Madrid ay iyada oo Camp Nou joogta 3-1 guul ku gaadhay ayaa la micno ah in kulanka lugta labaad ay iskeeni doonto iyada oo haysata farqiga goolasha martida iyo waliba guusha ay ka soo gaadhay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-1 ay Madrid ku dubatay Barcelona iyada oo Valverde uu guuldaro ku bilawday waayihiisa rasmiga ah ee Barcelona.

COMMENTS
LINKS