Dajinta iyo Qaabaynta Qorshaha Shaqsiyeed….W/Q: Xamse Tudhaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dajinta iyo Qaabaynta Qorshaha Shaqsiyeed….W/Q: Xamse Tudhaale
August 14, 2017 - Written by Reporter:

Nasiib darro inyar oo ka mid ah Dadka ayaa gaadha hankooga kana dhabeeya ugu yaraan qayb ka mid ah, halka inta badan ee soo hadhay

Dajinta iyo Qaabaynta Qorshaha Shaqsiyeed.

(Qorshuhu waa qaabeeyaha iyo qurxiyaha dhadhanka u yeela macnaha nolosha iyo horumarka shaqsiyeed iyo Ummadeedba)

W/Q: Xamse Tudhaale ( Aasaasaha/Maamulaha Guud Ee Machadka Dhiirrigelinta iyo Tabobbarada ee Tudhaale)

Dhammaanteen waxa aynu jecel nahay in aynu gaadhno horumar la

taaban karo oo wax ku ool ah, kaas oo aynu dheefsano natiijadiisa sidoo kalena dadyowga inagu hareeraysani munaafacaadsadaan. Ma jiro qof inaga mid ah oo jecel Guul-darrada ama hoosaynta nolosha, qof walbana waxa uu ku taamaa in inta uu nool yahay uu gaadhi doono isku filaanshiyo.

Nasiib darro inyar oo ka mid ah Dadka ayaa gaadha hankooga kana dhabeeya ugu yaraan qayb ka mid ah, halka inta badan ee soo hadhay qaybta u badani ka niyad jabaan hanashada hankooda iyaga oo samaynaya marmarsiyo ay cid kale ama wax kale dusha uga saarayaan; Eed samays ah oo aanay waxba ka jirin, taas oo ay isku qancinayaan in Waqtiga ama Deegaanku ka hor istaagay hanashada hadaf kaas ay nolosha ka lahaayeen. Tani waxa ay u noqotaa mid ay niyadda ku dhistaan oo ay iskaga biiyaan xanuunka warwarka iyo walaaca xaqiiqada hor taala ee ay iyagu ku kasbadeen caqligooda iyo cuduudoodaba

Waxa jirta sir ka danbaysa qof kasta oo guul ka gaadha hankiisa, taas oo ah Qorshayn xeeladaysan. Ogsoonoow in qorshahaagu yahay sahamiyaha socdaalka aad u galayso gaadhista himilooyinka aad nolosha ka leedahay.

Qofba qofka uu ka qorshe fiican yahay ayaa uu uga dhaw yahay in uu ka gun gaadho hanashada hadafkiisa.

Qorshuna waa bar bilowga xariiqda aad ka dhaqaaqayso; kaas oo ah diirada aad ku baadhayso halka aad rabto in aad gaadho iyo hankaagaba.

Maadaama uu yahay qorshuhu qaabeeyaha nolosha qofka iyo hankiisaba, waxa aan mawduucan ku soo bandhigi doona qodobo aad muhiim ugu ah qof walba oo doonis xoogan u qaba qorshaynta horumarkiisa shaqsiyeed:

1. Waa in ay jirtaa doonis dhab ah oo kaa soo go’day, taas oo aad ku doonayso in aad yeelato qorshe cad oo yoolkaaga ku gaadhsiiya

2. Fadhiiso meel bilaa buuq ah, tusaale ahaan haddii ay guriga dad badani kugula nool yihiin waxa fiican in aad ka yar fogaato waqtiyada aad gaadhayso go’aamada shaqsiyeed ama aad dajisanayso qorshayaal khuseeya Naftaada. Waxa muhiim ah in aad tagto meel nasasho fiican leh sida Huteel leh Deegaan dabiiciya, tani waxa ay fududaynaysa helista nasasho maskaxeed taas oo sabab u noqonaysa in ay maskaxdu falanqayn karto dhammaan go’aanada ka soo burqanaya, dejin kartana qorshe cad oo guul ku danbeeya.

3. Waa in aad haysataa qalab aad wax ku qorto sida Buug iyo Qalin ama qalabbadan Casriga ah sida Laptop ama IPAD.

4. Iska ilaali in ay ku hayso Caadifad cadheed ama farxadeed oo dheeraad ahi, waqtiga ugu wanaagsan ee go’aano la qaadan karo ama la dajin karo qorshe fiicani, waa marka aad ku sugan tahay xaalad deggan oo dhexdhexaad ah (Neutral).

5. Inta aanad qoraalka bilaabin waa in aad garanaysa waxa aad rabto in aad qorto iyo halka aad rabto in aad ka bilowdo.

6. Qor dhammaan Yoolalka (Hadafyada) aad rabto in aad ka midho dhaliso inta aad nooshahay

7. U kala hormee (Habee) sida ay macquulka u kala yihiin, adiga oo eegaya midba midka uu ka fudud yahay iyo waliba sida ay u kala mudan yihiin (Haboon yihiin).

8. Qor waxyaalaha aad ku wanaagsan tahay sida, Xirfadaha aad leedahay ee kala duwan, tani waxa ay kuu saamaxaysaa in aad garato hadafka kuugu dhaw ee aad qaban karayso, xirfadiisana aad haysato.

9. Isku day in aad fahanto oo aad ku baraarugsanaato fursadaha aad haysato, tusaale ahaan waxa aynu dayacnaa fursado badan oo iskugu jira Maal iyo Dadba kuwaas oo ay sabab u tahay in aynaan si fiican uga warqabin haysashadooda. In aad fahanto kana warqabto fursadaha nolosha aad haysataa waxa ay kuu horseedaysa hanashada Hadafyadaada nololeed.

10. Isku day in aad qorato xirfado aad u baahan tahay barashadooda si aad u xaqiijiso yoolalkaaga nololeed, adiga oo u eegaya waliba siday hadafyadaadu u kala horeeyaan.

11. U Samee waqti qoondaysan (Mucayina), tani waxa ay kuu fududaynaysa in aanad waqti badan iska lumin, waayo marka aad garanayso ee aad waqti u samaysay hawl aad qabanayso; waxa kuu fududaata qabashadeeda, sababta oo ah dhiirrigalin dabada kaa riixaysa ayuu kuu noqonayaa waqtiga aad ka faa’idaysanaysaa.

12. Samee qorshe talaabeed cad ama qorshe qabasho, sababta oo ah qorshaha waxa laga sameeyaa Maskaxda qabashadiisana waxa ka qayb qaata jidhka iyo Maskaxda oo wada socda. In aad garanayso sida aad u qabanayso qorshahaagu waxa ay ku siinaysa dhiirranaan iyo kalsooni dheeraad ah, qorshuhuna waxa uu ku saxmaa waa qabashada, qorshe aan qabasho lahayna wuu curyaamaa.

13. Samayso toddobaado aad qiimayso hanaan socodka qorshahaaga, qiimayntu waa cabbirka lagu ogaado waxa la qabtay iyo waxa qabyada ah. In aad is qiimayso waxay kugu baraarujinaysa waxyaabaha aad qabsatay iyo waxyaabaha aanad qabsan ee kaa khaldan.

14. Samayso qof ku caawiya: Haddii aanad si fiican u garanayn qaabka dajinta Qorshaha shaqsiyeed, isku day in aad raadsato shaqsi ku dheer Aqoon iyo Khibradba; kaas oo aad ku kalsoon tahay.

15. Ka gudub caadooyinkaaga xun xun ee kugu sababaya in aanad qaban qorshahan aad dhigatay.

16. Talo saaro Illaahay: Qof talo saartay Mulkiilaha Dunida iyo waxa dul yaalaba ma noqon doono mid khasaaray, sababta oo ah Illaahay (S.W.T) waa mid wax walba awood u leh in uu kuu fududeeyo; Maadaama aynu nahay Ummad Islaam ahna waxa waajib inagu ah in talaabo kasta oo aynu qaadayno u celino dhanka Alle (S.W.T). Illaahay isaga oo inagu dhiirigalinaya inaynu isaga talo saarano waa kii Quraankiisa inoogu sheegay inaynu talo saarano

” Haddii aad go’aan qaadato Illaahay talo saaro; Alle waxa uu jecel yahay kuwa talo saartee”

Noloshu kama maaranto qorshe qorshuhuna kama maarmo qabasho, ku dhaqaaq qorshaynta iyo qaabaynta qabashooyinkaaga (Hadafyadaada/Shaqooyinkaaga) Nololeed; si aad u noqoto qof ku liibaanay noloshiisa Aduunyo ee ah marinka iyo ku meelgaadhka nolosha danbe ee Aakhiro ee rasmiga ah.

Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale)
Qoraa, Dhiirigaliye nololed iyo kobciyaha Awoodda gudeed ee Aadamaha.

 

COMMENTS
LINKS