Mushaharka Ciidamada Iyo Shaqaalaha Waala kordhin karaa 250% Iyo In ka Badan Hadii Daacad Laga Yahay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mushaharka Ciidamada Iyo Shaqaalaha Waala kordhin karaa 250% Iyo In ka Badan Hadii Daacad Laga Yahay!!
August 14, 2017 - Written by Editor:

Bismilahi Raxmani Raxiim

Ilaahay baa mahad leh SWT ii ogolaaday in aan qoraalkan qoro, rasuulkeenii muhamed NNKH ayaa sharaf leh .

walow la iiga aqoon badan yahay dhaqaalaha iyo aqoonta kaleba hadena waxa aan waayo arag u ahaa wax badan oo dalkan soo maray, waxaana aan goob joog u ahaa himilooyin badan oo la xaqiijiyey oo dadku malo’awaal u haysteen.

Shaqaalaha iyo ciidamadu waxa ay ka mid yihiin halbawlaha qaranka jamhuuriyadda somaliland in iyaga la daryeelaa waa muhiimada koowaad ee qarankeenu ku hor u mari karo, xukuumada Ahmed siilaanyo wax badan bay ka qabatay baahiyahooga iyo mushaharooyinkooda waanay ku amaanan tahay, intaa in ka badana waala sii qaban karaa oo waala kordhin karaa ama kulmiye ha ku balan qaado ama xisbiga wadani ha ku balanqaadee.

waxa uun la farsamaynayaa dhaqaalaha qarankan soo gala oo laga fuudh yeelayaa baahiyaha shaqaalaha iyo ciidamada, waxaana laga maarmayaa ama la yaraynayaa waxyaabaha aan daruuriyaadka ahayn ee ay kharashku inagaga baxo, walow dalkeena qofka wax hagaaji is leh uu hawl adagi ka soo horeyso oo u baahan in loo jilib dhigo, hadii cadaalad wax lagu maamulo Ilaahay swt lala kaashado.

Dadka intii xasuusan ama goob joog ahayd waxa dalka jamhuuriyadda Somaliland uu la wareegay madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud siilaanyo 27-JULY-2010 , Wakhtigaa uu la wareegay waxa lagu wareejiyey dayn badan oo ku dhow 30 million dollar.

Dayntaasi lagu wareejiyey markii xukumada kulmiye dalka la wareegtay 34% ka mid ahi waxa uu ahaa mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada oo aan qaadan mudo 4 bilood ah, waxaana lagu bixiyey mudo bil gudaheed ah 4 tii bilood ba, dayntii kalena markii la kala hufay ee lagu sameeyay ( liability verification) waxa loo qabtay in lagu bixin doono 6 bilood gudahood.

Wakhtigaa waxa wasiirka maaliyadda ahaa Eng Mohamed Hashi Elmi waala waydiin karaa waxaana xisaabiyaha guud ee qaranka ahaa Ibrahim Aden Ghalib oo isaguna jooga oo la weydiin karaa, ragaasi uu madaxweynuhu u xushay boosaska ay hayeen waxa ay beeniyeen in aynu nahay dal faqiir ah oo aan waxba qabsan Karin, waanay shaqeeyeen in lagu abaalmariyo oo la xusana way mutaysteen.

Waxaa xusid mudan in siyaasadii xisbiga kulmiye ee waagaasi ku salaysnayd in shaqaalaha iyo ciidamada loo kordhiyo 300% waana la kordhiyey badankeedii oo wax yar uun baa ka hadhay sida aan rajaynayo.

Waxaa la beeniyey hadalkii ay dawladii tan ka horeysay ku celcelin jirtay oo ahaa waxa aynu nahay dal faqiir ah oo aan la aqoonsanayn, waxaana lagu badelay dal qani ah baynu nahay oo farsamo xumo waxoogu uga xumaadeen.

Hadalka murashaxa madaxweynaha ee xisbiga wadani ee balanqaadka ciidamadu waa wax wanaagsan oo lagula xisaabtamayo maalinta uu kursiga fuulo, waxa ayaan darro ah in xukumad in dib loo doorto rabtaa ay sidaa u hadasho oo ay yidhaahdaan xaguu ka keenayaa.

 

Waxa aynu nahay dal qani ah oo ilaahay swt barakeeyay dhaqaalaha dalkeenuna ciidamada iyo shaqaalaha iyo dhamaan qaranka wuu ku filan yahay sidii wanaagsan loo maamulo.

Ceeb bay ku tahay xukuumadii waxaasi soo samaysay 4 sano ee ugu horeeyay in ay maanta sidaa u hadasho oo ay tidhaahdo halkee laga keenayaa,oo dadka ay quus iyo rajo beel tusto.

 

QALINKII; Aqoonyahan Muhámed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS