Culayska Badeecadaha Koonteenarada Ku Jira Ee Dekeda Berbera Yaala Oo Laga Dayriyay Inuu Sababo Dekeda Oo Dunta Iyo Mooganaanta Xukumada Siilanyo Ee Kireysay+Dhayalsiga Shirkada DP World + Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Culayska Badeecadaha Koonteenarada Ku Jira Ee Dekeda Berbera Yaala Oo Laga Dayriyay Inuu Sababo Dekeda Oo Dunta Iyo Mooganaanta Xukumada Siilanyo Ee Kireysay+Dhayalsiga Shirkada DP World + Sawiro
August 17, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-Iyada oo Dekeda Berbera shaqadeedu Labadii Bilood ee Udanbeeyay gaabis ahayd ayaa waxa Dekeda Berbera buuxdhaafiyay badeecado ganacsatada Somaliland dalka Debediisa ka waarideen oo intooda badani kujira Koonteenarada lagu soo cabeeyo badeecadaha oo dekeda berbera gees kasta oo aad istaagtaba buux dhaafiyay culays iyo miisaan khatartiisa watana kuhaya.

Koonteenarada waxa dheer oo Dekeda gees kasta oo aad  istaagtaba waxaa buuxa bagaashka iyo Qalabyada dhismaha oo isugu jira garaa,id looxa noocyadiisa Kala duwan iyo biro tool ah oo dhismayaasha lagaga qeyb qaato.

Qalabyadan culayskooda wata ee aynu soo sheegnay ayaa waxa loo layahay Qalabkii Dekeda ka rari lahaa ee gaadiidka saari lahaa Maadama oo qalabkani yahay Mid culus oo Wiish iyo Litar waxa aan ahayni aanay qaadi karin.

 

culsykan Dekeda Berbera saaran oo sababtiisa ay leedahay shirkada DP World oo aad moodo in ay siyaasad kale oo Dekeda berbera lagu duminayo ay wadato ayaa waxa kaloo loo aanaynayaa In ay Shirkada DP World aanay Keenin wax qalaba oo Adeega Dekeda Qabta kuwii hore Xukumada Somaliland ku wareejisayna ay wada fadhisteen oo Dekeda dhex yaalaan iyaga oo qaarkood taayiro la.aan ufadhiya halka kuwo kalena mishiinadu wada duqeeyaan kadib markii la daryeeli waayay.

Maareyihii Hore Ee Dekeda Berbera Eng Cali Xoorxor oo Khabiir ku ahaa shaqada Dekeda ayaa aan marnaba ogolaan jirin in Dekeda ay isku soo gaadhaan koonteenaro tira badan oo keeni kara In Dekeda Berbera oo mudo dheer dhisnayd ay  dunto Culkayska saaran awgeed.

Waxaanu Eng. Cali Xoorxor Ku dadaali jiray inuu  kala fududeeyo Koonteenarada badeecaduhu kujiraan Ee Dekeda Dusheeda Saaran isaga oo amar ku bixin jiray inay si dag dag ah ganacsatada badeecaduhu ugu jiraan ugala baxaan Koonteenarada si dib loogu saaro markabkii siday Koonteenarka isaga oo madhan.

Waxa kaloo Uu Eng Cali Xorxoor Usameeyay In Koontenarada lagu daabulo barxad cusub oo dekeda debeda ka ah oo lagu magacaabo Wajaale taas oo koonteenarada badeecadaha culusi kujiraan la dhigi jiray iyada oo aan Dekeda weyn loo ogolayn Koonteenarad Badeecad Culusi ku jirto.

waxyaabaha layaabke leh ee Dekeda Berbera lagu arkay mudadii ay shirkada DP World Joogta ayaa waxa Kamida Daboolada khananka Maraakiibta Koonteenarada oo Culayskoodu badan yahay In Dekeda dusheeda la dhigan Mabnuuc ka ahaan jiray oo hada Markab kastaa Dekeda dusheeda dhigto mudada uu dekeda ku xidhanyahay taasina waa Culaysk kaloo Dekeda dhibaato kuhaya.

Ilaa hada shaqadii Dekeda Berbera way taagantahay iyada oo koonteenarada badeecaduhu kujiraan Dekeda buuxaan cabashadii ganacsatadu debeda usoo baxaday ayaanay ilaa hada jirin jawaab saxa oo Xukumada Iyo Shirkada DP World midna laga hayaa Inkastoo la leeyahay waabay isku mandhaafsan yihiin wadahadalka cabashada ganacsatada labada dhinac ee Xukumada Iyo Shirkada Dekeda laga Kireeyay ee DP World.

COMMENTS
LINKS