Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Ka Hadlay Dilka Laba Askari Oo Kooxo Hubaysani Ku Toogteen Magaalada Laas-Caanood. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Ka Hadlay Dilka Laba Askari Oo Kooxo Hubaysani Ku Toogteen Magaalada Laas-Caanood.
August 17, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N) Magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ka dhacay goor dhawayd in kooxo hubaysani ay dil toogasho ku dileen laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada laas-caanood.

Wasiirka ariaha gudaha Somaliland oo wax ay ka waydiiyeen hadhwanaagnews ayaa u Xaqiijiyay in falka toogashada ahi dhacay isagoo ku sugan oo ku sugan magaalada laas-caanood.

Wuxuna udhacay sidan;

“Waxa ka dhacay magaalada laas-caanood goor dhawayd in koox hubaysani ay ka fuliyeen dil qorshaysan kuwaas oo toogtay laba askari oo ka tirsan ciidanka kuna sugnaa goobtii laga qaadanayay diwaan-galinta,askarta la dilay labadooda waxa laga toogtay madaxa waana ay dhinteen,lakiin hadda wax

laga qaatay goobtii diwaan-galinta majirto

Wasiirka ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Ciidanka waanu hawl-galinay ilaa haddana baadhis ayaanu waddnaa waxaanu idiin sheegi karnaa oo kaliya in ciidanku hawlo adag ku jiro waanan ku raad joognaa sida ugu dhakhsaha badana waxaanu rajaynaynaa inaanu gacanta ku soo dhigno.

Wasiirka oonu wax ka waydiinay sida ay tahay xaalada magaalada laas-caanood madaama oo maantana ay ka dhaceen mudaharaado ayaa waxa uu yidhi.”Xaaladda magaaladu way dagan tahay ciidankuna hawshaas gacanta ayuu ku hayaa,feejignaan dheeri ah ayaanu qabnaa.sidaas ayaa uu yidhi wasiir faratoon.

XIGASHO HADHWANAAG NEWS

COMMENTS
LINKS