Maxaad ka Taqaan Masuuliyiintii Soo Maamulay Xarunta komishanka Doorashooyinka S/land Kuwii Guulaystay Iyo kuwii Guul-daraystay ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad ka Taqaan Masuuliyiintii Soo Maamulay Xarunta komishanka Doorashooyinka S/land Kuwii Guulaystay Iyo kuwii Guul-daraystay ?
August 17, 2017 - Written by Editor:

 Maxaa u Sabob ahaa kumishankii Doorashooyinka Guul Daraystay ?  Ma jiraan Astaamo komishanka Doorashooyinka Maantu la Wadaagaan komishankii Guul-daraystay ?

 Sooyaalka Todobadii Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ahaa Ee Ku Guulaystay In Ay Dalka S/land Sadex Doorasho Oo Nabad Iyo Guul Ku Dhamaada.

siilaanyo iyo komishanka

Qormada: 1 Aad

Waxaa hubaala in Diiwaanada Taariikhda Sannado danbe lagu xusi doono Sooyaalka Masuuliyiintii soo Maamulay Xarunta Komishanka Doorashooyinka,Xubnihii Guulaystay iyo Xubnihii ku Guul daraystay in ay Dalka Jamhuuriyada S/land doorashooyin ka qabtaan Doorasho,iyadoo Qormada Maanta tooshka ku qaban doono Xubnaha soo maamulay Xarunta Komishanka Doorashooyinka iyo Kaalintii ay ku lahaayeen Dar-dar galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land, waxaana iswaydiin mudan dhankay raaci doonaan Komishanka Doorashooyinka ee maanta Shaqada gacanta ku hayaa kuwa Guulaystay iyo kuwii Guul daraystay ? iyadoo si gaara farta ugu fiiqi doono Gaabiska iyo Go”aan la”aanta ka muuqata Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee maanta Shaqada gacanta ku haya   .Mar kale waxuu Qoraagu Tooshka ku qaban doono waxyaabihii sabobay Guul daradii la kulantay Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee ku Guul daraystay in ay Dalka ka qabtaan Doorasho.

Sidoo kale waxuu Bulshada S/land u iftiimin doonaa waxyaabihii sabobay in ay Guulaystaan Xubnihii Komishanka Doorashooyinka ahaa ee Dalka Jamhuuriyada S/land ka qabtay Sadex Doorasho oo Nabad-galyo iyo Guul Dalka S/land uga dhacay .       

 Ugu horayn waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in in Alle ha u Naxariistee Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal in uu seeska u dhigay waxyaabihii suurto galinayay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land isagoo dhamaystiray Todobadii Xubnood ee Komishankii Doorashooyinka ee Jamhuuriyada S/land markii u horaysay yeelatay.

 Waxayna Taariikhdu ka marag kacaysaa in Golihii Wakiilada ay is hortaageen in ay Ansixiyaan Xubin ka mida Labadii Xubnood ee Golaha Guurtidu u soo xuleen Komishankii Doorashooyinka u horeeyay ee S/land yeelato, iyadoo Golaha Wakiiladu Lixdii Xubnood ee kale Ansixiyeen,waxaase xusid mudan in Alle ha u Naxariistee Madaxwayne Maxamad X Ibraahin mar Labaad Golaha Wakiilada ku celiyay sida Xeerku dhigayo,sidaana Golaha Wakiiladu ay ku Ansixiyeen kuna hawl galeen . 

 Magacyada Todobadii Xubnood Ee Komishankii Doorashooyinkii U Horeeyay Ee Jamhuuriyada S/land Yeelatay:

1:Axmad X Cali Cadami Gudoomiyaha Kumishanka Doorashooyinkii U Horeeyay

2.Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar.Guddoomiye Ku Xigeen .

 3.Shukri Xaaji Ismaaciil ….xubin.

4: Maxamed Sheekh Cabdillaahi…Xubin.

5.Maxamuud Garaad Maxamed……Xubin.

6.Axmed Aadan Cali………..Xubin.

7.Muuse Jaamac Maxamed …Xubin.

Mar kale waxaa xusid mudan in Komishankii Doorashooyinka u horeeyay S/land ay noqdeen Masuuliyiin Hawl-kara oo Aqoon iyo Waayo aragnimo kaga gudbay yagleelkii Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land, waxayna guulo ka soo hooyeen Xilkii cuslaa ee loo magacaabay,waxaanay ku guulaysteen in ay Dalka ka qabteen Sadex Doorasho oo Nabadgalyo iyo Guul ku dhamaada,

Iyagoo Komishankii Doorashooyinka u horeeyay Dalka Jamhuuriyada S/land ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka Maalin Taariikhda ku beegan 15/12/2002.

Mar kale waxay Afar bilood ka dib Dalka  Jamhuuriyada S/land ka qabteen Doorashadii Madaxwaynaha Maalin ku beegan 14/4/2003.

Mar kale waxay Dalka  Jamhuuriyada S/land ka qabteen Doorashadii Golaha Wakiilada Maalin ku beegan 29/9/2005.

Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Hargaysa S/land

 

 

COMMENTS
LINKS