Kooxda Al-shabaab Oo Dad Ku Laysay Gudaha Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Al-shabaab Oo Dad Ku Laysay Gudaha Dalka Kenya
August 18, 2017 - Written by Reporter:

Lamu,(W,N)-Saddex ruux ayaa la dilay guryo dhawr ahna waa la gubay ka dib markii maleeyshiyo loo malaynayo Al Shabaab ay weerartay deegaanka Maleli ee ka tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya, sida uu ku warramayo wargayska Standard.

Wargays kale oo dalka Kenya ka soo baxa ayaa qoray in saddexda ruux ee la dilay kurka laga gooyay weerarkaasina uu dhacay habeennimadii Khamiista.

Wargeyska Star ayaa ku warramay in taliyaha booliiska ee gobolkaas xeebta Gilbert Kitiyo uu xaqiijiyay dhacdadaas.

Wuxuuna sheegay in ay askar u direen deegaankaas ayna qiimaynayaan xaaladda.

Weerarkaas ayaa yimid iyadoo ay hore deegaankaas uga dhaceen weerarro halis ah, iyadoo malayshiyaadku ay weerarro ku qaadeen tuulooyin.

Dhacdooyinkii hore

•Luulyo 13keedii maleeyshiyo ayaa sarkaal afduub u qabsaday ka hor inta aysan soo furanin laamaha ammaanku, balse sadded ruux oo kale ayaa dhacdadaas ku dhimatay.

•Luulyo 8deedii sagaal ruux ayaa madaxa lagaga jaray tuulo.

•Luulyo 5teedii Malayshiyo ayaa weerartay xarun booliis waxayna burburiyeen anteenada isgaadhsiinta.

_97437546_alshabab

 

•Luulyo 27keedii: afar arday ah iyo afar booliis ah ayaa ku dhintay bam wadada hareerteeda la galiyay

Milatariga Kenya ayaa hawlgallo badan ka fuliyay gobolkaas kuwaas oo ay ku jiraan duqaymo dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanaysay kaynta Boni oo ku teedsan Soomaaliya, halkaas oo malayshiyada inteeda badan.

COMMENTS
LINKS