Dawladaha Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Heshiis Kala Saxeexday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladaha Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Heshiis Kala Saxeexday
August 18, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Wasiirrada Boosaha iyo Isgaadhsiinta dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac Iyo heshiisyo ay kala saxeexdeen.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada isgaadhsiinta iyo boostada.

Qodobada ay labada dhinac isla saxeexdeen waxaa ugu waaweyn:

1. Waxa ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarinta xadhkaha fiber optic ah madaama ay saldhigyo badan ku yaallaan dalka Jabuuti, iyada oo la billaabi doono xidhiidhada labada dal iyo shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Djibouti Telcom oo ku saabsan xadhig cusub oo Fibre Optic ah, gaar ahaan xadhigga Djibouti African Regional Express (DARE), oo isku xidhi doona magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya dhowr deked oo ku yaalla Soomaaliya.
2. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan labada wasaaradood, ayaa waxa ay iska kaashan doonaan horumarinta iyo maamulka Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda labada dal, wadaagista khibradaha iyo aqoonta la xidhiidhta isgaadhsiinta, gaar ahaan dhinacyada isku-xidhka gobolka Geeska Afrika, amniga internetka (cyber security), sharciyada isgaadhsiinta, maamulka hirarka iyo lambarrada, iwm.

3. In la qabto dhowaan shir ay ka soo qeybgalayaan madaxda labada dal, shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Shirkadda Djibouti Telecom.
Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay ka dib go’itaankii ugu dambeeyey ee Internetka Soomaaliya in wasaaraddu ay garowsatay in la dardar-geliyo helitaanka khad kale, maadaama aysan suurtogal ahayn in qaran dhan ku tiirsanaado hal xadhig.

“Jabuuti waa dal aan wax badan ka faa’iideysan karno. Wuxuu leeyahay illaa 8 xadhig oo fiber optic ah. Sidaasi darteed ayaan dooneynaa inaan ka kaashano sidii aan u horumarin lahayn isgaadhsiinta iyo internetka Soomaaliya,”ayuu yidhi wasiir Cashuur oo ka hadlayay heshiiska.

 

yeeeeeeeees-640x330

 

COMMENTS
LINKS