DAAWO; Muuqaalka Gaadhi Wayn Oo Dib Uga Soo Noqday Dalacada Jidka Udhexeeya Jig Jiga Yar Iyo Xero Awr Oo Khatar Galiyay Dadwaynaha!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Muuqaalka Gaadhi Wayn Oo Dib Uga Soo Noqday Dalacada Jidka Udhexeeya Jig Jiga Yar Iyo Xero Awr Oo Khatar Galiyay Dadwaynaha!!!
August 18, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Gaadhi Wayn oo ah nooca xanbaara Koontinarada ayaa maanta  dib uga noqday jidka isku xidha xaafadaha jig jiga yar maansoor iyo xero Awr kaasi oo khatar galiyay dhaamaan dad iyo gaadiid wixii xiligaa maraya jidkan kadib markii uu dib uga dhacay kontinar uu siday kaasi oo sobobay in gaadhigii uu labada taayir ee hore ka qaado dhulka.

gaadhi kala xidhay jidka hargaysa

Sidoo gale shilkan ku yimid gaadhi ayaa gabi ahaanba xanibay isku socodka gaadiidka iyadoo halkan uu ku cadilmay ahayd meel aad u cidhiidhiya taasi oo gaadiidkii dadwaynaha ku qasabtay in ay maraan meelo kale oo aad u cidhiidhiya.

gaadhi kala xidhay jidka hargaysa

 Ciidamada nabad galyada wadooyinka ayaa iyagu wax Awaamiir ah ka bixin in ay wadada mari karaan gawaadhida waawayn ee xanbaara koontiinarada iyo wixii la mida maadaama ay wadadani tahay  dalacad dheer oo aanay suurto gal ahayn in ay maraan gaadiidka noocan ahi

 

Majirto cid wax ku noqotay dhacdadan marka la reebo xanibaad culus oo ay maanta ilaa galinkii danbe u gaysatay isku socodka jidkan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS