Nin kamid Ah Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Xalay Ku Dhex Geeriyooday Dekedda Oo Lagu Muransan Yahay + SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin kamid Ah Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Xalay Ku Dhex Geeriyooday Dekedda Oo Lagu Muransan Yahay + SAWIRO
August 19, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-Marxuum Jaamac Ismaaciil Cali oo kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka ah ee Dekeda magaalada Berbera ayaa habeenkii xalay ahaa abaara 10kii habeenimo uu laydh (koronto) ku qabsaday gudaha  Dekeda Berbera gaar ahaan goob ay ku taalo Qasabad biyaha laga cabo,kadib markii uu Marxuumka oo kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka ah ee Dekeda oo xalay shaqaynayay uu damcay inuu Qasabadaas biyo ka cabo,hase yeeshee Xadhig Laydh oo danabaysan oo goobta kusoo dhacay uu dabkii Qabadsiiyay taar gaaban oo Dekeda Ku wareegsan una dhaw qasabadda, kaas oo markii marxuumku uu gacanta saaray qasabadda ku dhagay isla goobtiina uu ku naf baxay.

Marxuumka ayaa sida la sheegay Maydkiisa goor danbe oo uu naf baxay la arkay sababtoo ah goobta uu ku nafbaxay ee Laydhku ku qabsaday ee Qasabadu ku taalo oo ah goob baydhsan islamarkaan wada dabaysnayd oo dabka uu isu gudbiyay taar ku wareegsan Dekeda gudeheeda oo shirkada DP World ku wareejisay.

Shirkada maamusha Dekeda Berbera Ee DP World ayaa la sheegay inay diiday inay Marxuumkaas Magtiisa bixinayso oo ay masuuliyadiisa qaado ,iyaga oo masuuliyiinta dekeda ee shirada Dp World ku doodaya in aan goobtaasi danabaysnayn isla markaana aanu marxuunku u geeriyoon dab qabsaday.

Maydka Marxuumka ayaa lagu Riday Talaagada Maydka lagu keydiyo ee Cisbataalka Weyn Ee Berbera iyada oo aan ilaa hada la aasin maydkii Marxuumka,laguna muransan yahay aasintaankiisa.

Ehelada uu kasoo jeedo  Marxuum Jaamac Ismaaciil Cali  Oo warbaahinta La hadlay ayaa ku doodaya in uu marxuumku u geeriyooday laydhka Dekeda ee qabsaday,magtiisana laga doonayo inay Bixiso shirkada DP World ee Dekeda Maamusha ilaa ay Bixisana aan la aasayn Maydka Marxuumka.

Dhinaca Kale dhakhaatiirta Cisbataalka Berbera iyo hay’adaha danbi Baadhista booliska oo is-kaashanaya ayaa ku hawlan natiijo laga soo saaro sababta uu Marxuum udhintay iyaga oo aan ilaa hada wax natiijo ah soo saarin lagana sugayo.

Dhinaca kale ehelada uu Marxuumka Geeriyooday ka soo jeedo iyo Shaqaalihii uu katirsanaa oo iskaashanaya ayaa kulamo ay arinkaas kaga wada hadlayaan oo gooni gooniya ka wada magalaada Berbera.

Marxuumkan ayaa noqonaya marxuumkii afraad ee shil kasoo gaadhay adeega Dekeda ugeeriyooday ilaa markii ay shirkada DP World la wareegtay Maamulka Dekeda Berbera.

Ilaa haddana lama garanayo halka ay saldhigan doono arrinkan.

COMMENTS
LINKS