Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Cadaysay In Dekeda Berbera La Kulantay Hoos U Dhicii Ugu Darnaa Mudadii DP World Lagu Wareejiyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Cadaysay In Dekeda Berbera La Kulantay Hoos U Dhicii Ugu Darnaa Mudadii DP World Lagu Wareejiyey
August 19, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N):-Rugta ganacsiga Somaliland ayaa cadaysay in shirkadda DP world uga dartay nidaamkii shaqo ee dekedda Berbera islamarkaana uu dekedda hoos u dhac weyni ku yimid mudadii ay gacanta ku haysay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, wuxuu sheegay in tan iyo markii ay DP world la wareegtay dekedda Berbera uu hoos u dhac laxaad lihi yimid “Sidii dekedda maamulkooda loogu wareejiyay DP world arrin qarsoon maaha in adeegii dekedu hoos u dhacay, arintaasi waa arrin soo kordhaysa imikana halkii ugu darnayd taagan, dabcan waxa dalka ka masuul ah xukuumadda markaas xukuumadda cabashadaas waanu u gudbinayy.” ayuu yidhi Maxamed, waxaanu intaas raaciyay “Mushkilada waxa sababaya waa arrinta aanu xukuumadda u balansanahay iyaguna safarka ugu babxeen xukuumadda, laakiin guud ahaan arrimahaasi waxay ka dhasheen hoos u dhac ku yimid adeegii dekedu u fidinaysay ganacsatada.”

Maxamed Shukri oo ka jawaabayay su’aal wuxuu yidhi “Annagu dhinacayaga dadkay dhibtu ku dhacday ayaanu nahay guud ahaan dadka way wada saamaynaysaa oo ganacsatadu bulshada ayay u adeegtaa, markaas adeegii markuu hoos u dhaco ee gaadiidka la soo xidhi waayo badeecadii si wanaagsan u degi weyday waxay taabanaysaa guud ahaan dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dalka iyo kala socodkii imikana wax waliba way taaganyihiin, dalkana xukuumad ayaa ka masuul ah oo shirkad heshiis la gashay xalkana iyadaa looga fadhiyaa.”

Mar la weydiiyay in markii heshiiska ay xukuumadu galaysay lagala tashaday ka ganacsato ahaan wuxuu yidhi “Lanagalama  tashan oo arrintaas xogogaal umaanu ahayn laakiin markii heshiiska la galay xukuumadu  way noo yeedhay oo heshiiska ay gashay way noo sheegtay, waxyaabo badan oo markaas tilmaamayay in adeegu kor u qaadmi doono arrimuhu fududaan doono oo hawl fududayn badan aanu heli doono oo markaas lanoo sheegay ma hayno.”

dk

 

 

COMMENTS
LINKS