Wasiirkii hore Ee Arimaha Dibada Ee Xukumada Siilaanyo Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Muqdisho Ka Degay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii hore Ee Arimaha Dibada Ee Xukumada Siilaanyo Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Muqdisho Ka Degay
August 19, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N)- Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee xukumadda Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Omar ayaa ka degay magaalada Muqdisho, wararka magaalada Muqdisho la isla dhex maraayo ayaa sheegaaya in Dr Maxamed Cabdilahi Cumar uu ku biiri doono golaha wasiirada ee xukumadda Farmaajo oo dhawaan la filaayo in isku shandhayn lagu samyn doono.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa ahaan jiray wasiirka arimaha dibada ee Somaliland, waxna xilkaasi laga qaaday kadib markii uu xilkaasi iyo masuuliyadii la saarayba uu ku fashilmay, hase ahaatee intii xiligaasi ka danbaysay waxa uu ahaa xubin fir fircoon oo ka tirsan xisbi xaakimka Kulmiye waxna uu gacan saar dhow la lahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaasina ah musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi, waxna lagu waday hadii uu talada dalka ku guulaysto Muuse Biixi in laga dhigo wasiirka madaxtooyada ee Somaliland.

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ay xukumadda Farmaajo hada dajisay Hotel Paradise- ee magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Kala Soco Shabakada Wararka Wajaalenews.

 

aaaxxxx

 

 

COMMENTS
LINKS