Barcelona Oo Deportivo Alaves Garoonkeeda Ku Soo Garaacday, Lionel Messi Oo Laba Gool Dhaliyay Xili Uu Gaadhay Goolkiisii 350 aad Ee La Liga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barcelona Oo Deportivo Alaves Garoonkeeda Ku Soo Garaacday, Lionel Messi Oo Laba Gool Dhaliyay Xili Uu Gaadhay Goolkiisii 350 aad Ee La Liga.
August 26, 2017 - Written by Reporter:

Barcelona ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ee horyaalka La Liga ka soo gaadhay kooxda Deportivo Alaves oo ay garoonkeeda marti  ugu ahayd. Inkasta oo ay kooxda Valverde ee Balaugrana ay iska caabin wayn kala kulantay Alaves ayuu haddana Messi qaybtii danbe ee kulankan uu laba gool oo deg deg ah dhulka ku dhigay Alaves inkasta oo uu qaybtii hore lumiyay rekoodhe ay Barcelona gool kale ku heli kartay.

Barcelona oo kulankii hore Real Betis guul kaga gaadhay Camp Nou ayaa sii joogtaysay guulaha ay ku furtay horyaalka La Liga iyada oo saddexda dhibcood ka heshay Alaves oo difaacasho adag xaalada ugu xumayn gaadhay Barca.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ALAVES (4-2-3-1): Pacheco; Vigaray, Ely, Delgado, Pedraza Sag; Isla, Sanchez; Wakaso, Villamayor, Perez; Pozuelo

KAYDKA: Antonio Sivera, Enzo Zidane, Santos, D. Torres, Burgui, R. Duarte, Maripan

BARCA (4-2-3-1): Ter Stegen; A. Vidal, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic Busquets; Iniesta S. Roberto Deulofeu; Messi.

KAYDKA:Cillessen, Mascherano, Semedo, Digne, Paulinho, D. Suarez, Alcacer

Barcelona ayaa doonaysay in ay kulankii labaad oo xidhiidh ah guulaysato ee horyaalka La Liga laakiin Valverde ayaa ka walwalsanaa weerarada deg dega ah ee ay caanka ku tahay kooxda Avalves isaga oo difaaciisa dhexd dib ugu soo celiyay Gerard Pique oo kaydka fadhiyay kulankii Real Betis. Andres Iniesta ayaa sidoo kale dib ugu soo laabtay Balaugrana kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu danbeeyay.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid aad u adag oo ay labada kooxoo isku mari waayeen inkasta oo ay Barcelona haysatay boqolkiiba 80% boosishanka waxayna kooxda Valverde iska lumisay fursado fiican oo ay ciyaarta natiijo fiican ugu heli kartay laakiin Alaves ayaa weeraro deg deg ah ku abuurtay fursado cajiib ah.

DAQIIQADII 2 AAD ee bilawgii ciyaarta Jordi Alba ayaa galay qalad keenay in Alaves kubbad laaga xorta ah lagu abaal mariyo waxaana fursad gool lagu dhalin karay helay Oscar Romero kaas oo goolhaye Marc-Andre ter Stegen ku qasbay in uu sameeyo badbaadintii ugu horaysay.

Gerard Deulofeu ayaa ciyaarta si fiican ku bilawday wuxuuna helay fursado fiican laakiin sidoo kale markiiba Iniesta iyo Messi ayaa si fiican iskugu xidhmay laakiin goolhayaha Alaves ee  Pacheco ayaa iska ilaaliyay in shabaqiisa loo dhaafo.

DAQIIQADII 12 AAD Alaves ayaa heshay fursadihii ay doonaysay ee kubbada weerarka deg dega ah ee ay u sii qorshaysatay in ay Barca ku waxyeelayso waxaana fursad cajiib ah helay Sobrino kaas oo u baahday in kaliya uu garaaco goolhaye Ter Stegen balse goolhayaha ree Germany ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay fursad gool cadaan ah lagu dhalin karayay.

Intaa wixii ka danbeeyay ciyaartoy kasta oo Barcelona ah marka laga reebo goolhaye Ter Stegen waxay soo galeen qaybta ay Alaves garoonka ka joogtay iyada oo dhamaan ciyaartoyda Alaves ay isku shubeen xerada ganaaxa kooxdooda, waxaana markan bilaamay weeraro joogto ah oo ay Barca ku raadinaysay goolka furitaanka.

DAQIIQADII 31 AAD Sobrino aya markale helay fursad layaableh isaga oo goolka Barcelona si toos ah kubbada ugula soo baxay laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa awooday in uu saamayntiisa u isticmaalo in Alaves uu gool caadaan ah ka beeniyo.

DAQIIQADII 37 AAD Barcelona ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu xidiga Alaves ee  Ely uu Pique ka soo qabtay in uu kubbad laaga xorta ahayd oo uu Messi soo tuuray uu gool k raadiyo laakiin garsooraha ayaa markiiba qaladkan arkay wuxuuna kaadhka digniinta ah siiyay Ely isaga oo Barca u dhigay rekoodhe.

Lionel Messi ayaa kubbada isku soo taagay wuxuuna haystay fursadii uu ku dhalin lahaa gookiisii La Liga ee xili ciyaareedkan ugu horeeyay kaas oo noqo lahaa goolkiisii 350 aad ee horyaalka Spain laakiin xidiga ree Argentina ayaa arkay darbadiisa rekoodhe oo uu si qurux badan u badbaadiyay goolhaye  Pacheco oo ah da’yartii ka soo baxday xarunta Real Madrid, wuxuuna  Pacheco beeniyay goolka Alaves niyadjabka ku abuuri lahaa.

Lionel Messi ayuu inkaar ku noqday goolkiisa 350 aad isaga oo kulankii Real Betis saddex jeer birta garaacay wuxuuna markan khasaariyay goolka ay kooxdiisu sida wayn ugu baahnayd. Wax kasta oo ay Barcelona kubbada ka samaysay iyo fursadihii ay abuurtay ayaa wada guuldaraystay waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nasay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona soo laabtay iyada oo dhaarsan laakiin Alaves ayaa 11 ciyaartoy kubbada isku hortaagtay waxayna kooxda Valverde u muuqatay mid inta garoonkii loo soo cidleeyay garan wayday sidii ay difaaca Alaves ee tirada badan ay ku dhaafi lahayd.

DAQIIQADII 55 AAD Lionel Messi ayaa ugu danbayn jabiyay iska caabintii xooganayd ee Alaves kadib markii uu darbo xoogan meel dhaw kaga tuuray goolka Alaves wuxuuna ugu danbayn garaacay goolhaye Pacheco oo hore Messi rekoodhe uga soo badbaadiyay balse markan waxa uu awoodi waayay in uu joojin karo kubbada difaaca Alaves soo jiiday, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Lionel Messi ayaa ugu danbayn dhaliyay goolkiisii 350 aad ee uu fursadaha badan u soo lumiyay isaga oo noqday ciyaartoygii taariikhda La Liga ugu horeeyay ee heerkan gool dhalinta La Liga ka gaadhay. Valverde aaya daqiiqadii 57 aad ciyaarta soo galiyay Paco Alcacer si uu weerarkiisa ugu xoojiyo wuxuuna ciyaarta ka saaray Vidal.

Alaves ayaa ku qasbanaatay in ay qorshihii difaaca buuxa ahaa badasho mar haddiiba ay Barcelona dhalisay goolka ay guusha ku gaadhi karto laakiin Alacacer ayaa wax badan ku soo kordhiyay weerarka Barcelona iyada oo Jordi Alba uu ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka laabad ee Barca.

DAQIIQADII 66 Lionel Messi ayaa hogaanka kooxdiisa Barcelona ugu dheereeyay goolkiisa labaad kadib markii uu Paco Alcace shaqo fiican ka soo qabtay dhinaca garabka bidix wuxuuna Messi si qurux badan uu kubbada ugu darebeeyay goolka Alaves iyada oo goolhaye Pacheco uu ku war helay kubbada aanu joojin karin ee shabiqiisa u dhaaftay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Barca hogaanka ku dheeraysatay.

Waxay ahayd markii ugu horaysay ee ay Alaves si buuxda weerar buuxa u gashay laakiin Alcacer ayaa markiiba kubbada kala soo xarooday dhinaca bidix laakiin kubbada aan dhulka u dhicin ayuu Messi markiiba darbadiisa raaciyay isaga oo Valverde ka dajiyay culayskii saarnaa.

DAQIIQADII 74 AAD Messi ayaa u muuqday in uu dhaliyay saddexley kadib markii uu helay fursad cajiib ah laakiin darbo uu u qaatay inuu goolkiisa saddexaad dhaliyay ayaa birta goolka ka soo booday waana markii afraad ee uu birta garaacay labadii kulan ee La Liga ugu horeeyay. Alaves ayaa markan u muuqatay in ay xaalad adag ku jirto.

Dhamaadkii ciyaarta Pualinho ayaa ciyaarta badal ku soo galay si uu markii ugu horaysay garoonka ula soo galo kooxdiisa cusub ee Barcelona  inkasta oo ayna jamaahiirta Barca marnaba u soo dhawayn karin sida ay u soo dhawayn doonaan Ousmane Dembele oo barri Barca soo gaadhi doona.

 

Gerard Pique ayaa helay fursad uu gool ku dhaliyo laakiin waxa uu awoodi waayay in uu shaqa gaadho waxayna ugu danbayn ciyaarta ku dhamaatay 2-0 ay Barcelona guushii labaad ee La liga oo xidhiidh ah ay ku gaadhay iyada oo Messi uu labada gool dhaliyay.

COMMENTS
LINKS