Liverpool Oo Xasuuq Ba,an Anfield Ugu Gaysatay Arsenal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Liverpool Oo Xasuuq Ba,an Anfield Ugu Gaysatay Arsenal
August 28, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul wayn garoonkeeda Anfield kaga gaadhay naadiga Arsenal, waxaana Reds ay macallin Wenger iyo Ciyaartooyadiisa kaga adkaadeen 4-0.

17’daqiiqo qeybtii hore Roberto Firmino ayaa hoggaanka u dhiibay Reds, kaddib markii uu madax ku dhaliyey karoos wacan oo uu ka helay saaxiibkiisa Joseph Gomez, Gunners ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Kooxda tababare Klopp ayaa sii wadatay koontaroolkeeda ciyaarta, iyagoo helay qeybta hore dhowr fursadood oo ay goolal ku dhalin kareen, ilaa ay Liverpool la timaado goolka labaad.

40’daqiiqo dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Sadio Mane ayaa hoggaanka u dheereeyey Liverpool kaddib baas caawin ah oo uu ka helay Roberto Firmino.

Liverpool ayaana 2-0 ku hoggaamisay kulanka qeybtiisii hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Liverpool ayaa la timid goolka saddexaad ee ciyaarta kaddib kubbad daba-mareyn ahayd oo ay Reds heshay kaddib markii ay iska bixiyeen koorno ay heshay Gunners.

Mohamed Salah ayaana 57’daqiiqo kubbad uu la bartamaha garoonka ka qaatay oo uu la xawaareeyey ula tagay goolhayaha Gunners ee Petr Cech, isagoo si sahlan dhinac uga dhigay Arsenal ayaana lagu hoggaamiyey 3-0.

Tababare Wenger ayaana bedel u taagay 62’daqiiqo xiddiga kooxda ka gadoodsanaa ee Alexis Sanchez, waxaana soo galay Olivier Giroud, waxayna u muuqataa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee Arsenal.

Macallin Klopp ayaa dhankiisa garoonka soo galiyey 74’daqiiqo Sadio Mane iyadoo uu garoonka soo galay Daniel Sturridge, kaasoo goolka afaraad ka dhaliyey Gunners.

77’daqiiqo Daniel Sturridge oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa madax ugu shubay Arsenal, kaddib karoos wacan oo uu ka helay Mohamed Salah, waxaana uu kulanku sidaas ku noqday 4-0 looga gacan sarreeyey kooxda martida ahayd ee Gunners.

FB_IMG_1503907876032 FB_IMG_1503907936617

Kooxda Liverpool ayaana Ugu danbayn guul wayn Oo 4-0 kaga gaadhay sidaa ay Arsenal oo ku guuldarreysatay inay shabaqa soo taabato kulanka ka dhacay Garoonka Anfield.

Reds tani waxa ay u ahayd fursad wayn iyadoo farqiga goolasha ku soo galay kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League maadaama ay 7 dhibcood la wadaagto kooxaha Huddersfield Town, Manchester City iyo West Bromwich.

COMMENTS
LINKS