UEFA Oo Baadhitaan Ku Bilowday Kooxda Paris Saint-Germain | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UEFA Oo Baadhitaan Ku Bilowday Kooxda Paris Saint-Germain
September 1, 2017 - Written by Reporter:

Guddiga maamulka kubadda cagta  Yurub ee UEFA ayaa baadhitaanno rasmi ah ku bilaabay kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain, iyadoo lala xidhiidhnayo heshiiska ay kula gashay cayaar yahanka Neymar ee u ciyaari  jiray kooxda Barcelona lacag dhan labo boqol iyo lixdan milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Kooxda PSG ayaa waxay sidoo kale cayaar yahanka Kylian Mbappe heshiis kula gashay lacag qaddarkeeda lagu sheegay in ka badan labo boqol oo milyan oo doollarka Mareykanka ah.

 

_97641355_2b36d169-0df8-4156-b2b8-337e8bc2fddc

 

Kooxda Barcelona ayaa ciyaaryahnkoodii hore ee Neymar u haysta 8.5 milyan oo euro ama 10 milyan oo doolar.

Barcelona ayaa hadda doonaysa in uu soo celiyo lacagihii abaalmarinta ahaa ee la siiyay markii uu sexeexay qandaraaska cusub ee shanta sano ah sagaal billood ka hor, ka hor intii aanu kooxda ku cadaadinin in uu iskaga tago.

COMMENTS
LINKS