Halbeega Waxqabadka Iyo Horumarkii Ay Ku Talaabsatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halbeega Waxqabadka Iyo Horumarkii Ay Ku Talaabsatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan!
September 5, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(W,n) Masuul kasta oo xil umadeed loo dhiibo waxaa diwaanada taariikhda ugala hadba waxa uu tacab galiyo xilkii loo doortay iyo damcan sida uu ugu tagri falo waxaa ka mara kacda taariikh waxaynu Qormadeenan ku faaqidoonaan door waxqabad ee Wasiirada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan mudo todoba sano ahayd oo ay iyo halkii ay gaadhsiisay Wasarada Waxbarasha & Tacliinta Sare iyo wasaarada Maaliyada oo Xiligan ay gadh Wadeen ka tahay Maxaase lagu xasuusan doonaan?

Waa sarado hufan oo aan  Uhibaynay Wasiir habeen iyo Dharaarba u heelan,heegana ugu jirta in uu ka midho dhaliyo hadafkii uu higsanayay ee ahaa Waxqabadka iyo Horomarinta Dalkiisa Hooyo,waa weedho aan u hibeeyay Wasiir u hagar baxay siduu u Horomarin lahayd Bulshada S/land ,Wasiir Hormood u noqotay in ay qayb wayn ka qaadato Horumarinta Caafimaadka,waxrabashada,kor uqaadida dakhliga iyo Biyaha oo Bulshada S/land baahida wayn u qabto ballse aan dull joogsanno,Shaqsiyada Dhabta Ah Ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

MARWO SAMSAM 1

Ugu horayn waxaa Diiwaanada Taariikhda ku xusan in Marwo Samsam,Siyaasada iyo Wasiirnimada ka hor ay ka mid ahayd Aqoonyahankii sida dhakhsaha badan uga soo noqday Qurbaha si ay uga qayb qaataan Yagleelkii iyo Dib u dhiskii Dawlada S/land,iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso intii aanay Saaxada Siyaasada Magaceeda iyo Muuqeeda lagu arag,in Marwo Samsam ay Hormood u noqotay Shaqsiyaadkii Aqoonyahanka ahaa ee Doorka Muuqda Ka soo Qaatay Aas-aaska Iyo Hirgelinta Ururada Bulshada si ay Bulshada S/land u helaan Ururo Bulsho oo soo nooleeya Adeegyada Aas-aaska u ah Nolosha Bulshada S/land,iyadoo Ururada aan Dawliga ay Waxtar Dhinacyo Badan leh gaadhsiiyeen Bulshada S/land.

WASIIR SAMSAM

Dhinaca Siyaasada marwo samsam cabdi aadan waxay kamid ahayd xubnihii firfircoonaa ee xisbiga kulmiye ismarkaana sida cad ugu suntanaa guushii uu gaadhay xisbiga kulmiye.  markii Hogaaminta Dalka S/land loo doortay Madaxwayne Siiraanyo,waxay Marwo Samsam Nasiib wanaag ka mid noqotay Golihii Wasiirada u horeeyay ee Madaxweyne Siilanyo Magacaabay,isagoo Madaxwayne Siiraanyo u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare oo ka mid ah Wasaaradaha ugu Misaanka Culus Dalka S/land,

wasiir-Samsam1

Ball aan dull joogsanno Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Muddo Afar Sanno iyo Badha oo Wasiirka Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ahayd Marwo Samsam .

Hormoodka Waxqabadka Iyo Halbeega  Baaxada Lahaa Ee Ay Ku Talaabsatay Muddadii Ay Ahayd Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan

Wasiirka Wasaarada Maaliyada S/land Marwo Samsam,Muddo Afar Sanno iyo badh ah oo ay ahayd Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, waxay ku suntan tahay Wasiirkii Koowaad ee Shaqaalaha gaboobay ee hawlgabka noqday siisay Lacagta hawlgabka, Shaqaalahaasi oo kontomeeyo Sanno iyo dheeraad Cimrigooda ah ku soo shaqeeyay Macalinimo kuwaasi oo ay hagradeen ama ay halmaameen Wasiiradii Raga ahaa ee Wasaarada Waxbarashada uga soo horeeyay Wasiir Samsam .

Mar kale Marwo Samsam waxay kaga timid Wasaaradii Waxbarashada Duco ay u soo duceeyeen Bulshada Danyarta ah ee S/land,waana Wasiirkii Nasiibka u helay in uu ka dhabeeyo Balan-qaadkii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ee ahaa in   Waxbarashada Aasaasiga ah ee Dugsiyada Hoose iyo dhexe laga dhigo mid Lacag La”aan lagu barto,waxaana fursadaa ka faa”iidaystay Arday badan oo Bulshada Danyarta ka soo jeeda.

 

 

Mar kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada S/land Marwo Samsam waa shaqsiyad Naxariis badan iyadoo marag Cad looga dhigayo sida ay ugu dhiirato Gargaarka iyo Caawinta qaar ka mida Shaqaale Hoosaadka Wasaaradii hore ee Waxbarashada oo dhibaatooyin caafimad darro ku dhaceen iyadoo ka gacan siisay uguna gargaartay wixii karaankeeda ahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam,Muddadii ay ahayd Wasiirka Wasaarada Waxbarashada waxay kalsooni ka heshay Hayadaha Gargaarka ee inaga caawiya Wasaaradaha Waxbarashada iyo Wasaarado kale iyadoo Kalsoonida ku mutaysatay hufnaanta shaqo iyo Nidaam Xisaabkeeda oo Nadiifa.

Sidoo kale Marwo Samsam Muddadii ay ahayd Wasiirka Wasaarada Waxbarashada waxay kalsooni buuxa ka kasbatay Bulshada S/land,iyadoo u hagar baxday in ay Adeega Wasaarada Waxbarashada gaadhsiiso Bulshada Darifyada ee ku nool Gobolada Sool iyo Salel,iyadoo si dhaqso ah uga jawaabi jirtay codsiyada iyo baahiyaha uga yimaada dhamaan Deegaamada S/land .

Ugu dambayn Bulshada S/land waxay ka Markhaati kacayaan in Marwo Samsam waa Shaqsiyad Hadaf Cad,Hall Adag oo Higsi fog waxaanu Alle hibo u siiyay Xilkasnimo,karti,daacadnimo.qunyar socodnimo.iyo hubin si qotodheer iskaga hubsato hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka u hayso.

La Soco Qormooyinka Xiga Oo Aan Ku Lafo Guri Doono Kaalinta Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Ku Leedahay Horomarinta Bulshada S/land .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE A,A, HABANE

 

COMMENTS
LINKS