Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Oo Tacsi Udiray Marxuum Xasan Cabdi Khayre Oo ku Geeriyooday Maagalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Oo Tacsi Udiray Marxuum Xasan Cabdi Khayre Oo ku Geeriyooday Maagalada Hargaysa
September 8, 2017 - Written by Editor:

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Khayre oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 08/09/2017.

Marxuum Xasan Cabdi Khayre waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee Somaliland, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland iyo Soomaaliyaba, isagoo markii u dambaysay noqday Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Xasan Cabdi Khayre aqoonyahan iyo siyaasi waayo-arag ah oo wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiisaba.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

COMMENTS
LINKS