Hordhaca: Kulanka Maanta Ee Man City Iyo Liverpool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hordhaca: Kulanka Maanta Ee Man City Iyo Liverpool
September 9, 2017 - Written by Reporter:

man-city-liverpool-1-600x375

Kulanka: Man City vs Liverpool
Garoonka: Etihad Stadium
Wakhtiga: 2:30pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Jonathan Moss
Kulanka duhurnimada Maanta ka dhacaya Etihad Stadium waxaa la filayaa inuu noqdo kulan goolal badan la iska dhaliyo madaama ay labada kooxood leeyihiin weerar cajiib ah iyo daafac su’aal la geliyo tayadiisa mar walba.


Kooxda Man City ayaa si gaar ah u raadineysa inay guul ka gaadho Liverpool markii ugu horeysay tan iyo markii uu macalin u noqday Jurgen Klopp. Iyadoo afartii kulan ee ay ka horyimaadeen Klopp laga badiyay seddex ka mid ah halka kulanka kale uu barbaro ahaa.

MAXAA KA CUSUB?
Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa seegaya kulanka maanta ka dib markii uu dhaawac soo gaadhay  intii uu u ciyaarayay xulka Belgium.

Daafaca midig Kyle Walker ayaa diyaar ah ka dib hal kulan uu ganaax ku maqnaa laakiin Raheem Sterling ayaa ganaax ku maqan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Bournemouth.


Xiddiga Liverpool Philippe Coutinho ayaan ka qeyb qaadan doonin kulankaan inkastoo uu Brazil u ciyaaray kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka.

Xiddiga ay Liverpool la soo wareegtay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la filayaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay ka dib markii uu 35 milyan ginni uga soo wareegay Arsenal.

Si kastaba, daafaca midig Nathaniel Clyne iyo xiddiga khadka dhexe Adam Lallana ayaa dhaawacyo muddo dheer ku maqan.

 

 

SHAXDA MACQUULKA AH:
Man City (4-1-4-1): Ederson; Walker, Otamendi, John Stones, Mendy; Fernandinho; Bernando Silva, David Silva, De Bruyne, Leroy Sane; Gabriel Jesus

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Robertson, Lovren, Matip, Alexander-Arnold; Wijnaldum, Henderson, Emre Can; Sadio Mane, Firmino, Mohamed Salah

MA OGTAHAY?
Kooxda Reds ayna guuldarro ka soo gaadhin Manchester City tan iyo markii uu macalin ka noqday Jurgen Klopp. Afar kulan ayay ciyaareen seddex ka mid ah Liverpool ayaa badisay halka kulanka kale uu ahaa barbaro.

Guusha kaliya ee ay gaadhay Manchester City todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Liverpool ayaa aheyd guul 3-1 oo ay gurigooda kaga gaadheen bishii Agost 2014.

Liverpool ayaa shabaqa ka soo taabatay City 13 kulan oo isku xigta oo tartamada oo dhan ah.

COMMENTS
LINKS